Hangoolnews.com
Dhimasho iyo Dhawaac ka dhashay Toogasho ka dhacay Mareykanka
May 23, 2021 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:+Saddex qof ayaa toogasho lagu dilay, shan kalena waa lagu dhaawacay baar ku yaal magaalada Youngstown, ee bartamaha gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, sida uu soo tabiyay Telefushinka CNN, isaga oo soo xiganaysa ilaha booliska.

Goor dambe, Booliska ayaa ka jawaabey  weerarka toogashada ee Torch Club Bar & Grille ee Youngstown,iyaga oo sheeegay in ay baadhis dheeraad ah wadaan.

Markii falkaan dhacayay waxaa Baarka hortiisa ka jiray saxmad aad u badan, waxaana goobta ka ag dhawaa meel baabuurta la dhigto, halkaas oo la sheegay in dadka isku Buuqeen isna Jiidh Jiidheen Halkaasi oo khasaare dheeraad ahi Ka dhashay.

Sida oo kale rasaas ayaa laga maqlayay gudaha goobta falku uu ka dhacday intii lagu guda jiray weerarka, sida wariyeen warbaahinta guda, iyaga oo intaa ku dartay in ay jiraan bubur soo gaadhay goobta iyo daadiidkii yaalayba.

COMMENTS
Latest News