Hangoolnews.com
Milatariga Dalka Turkiga oo Dagaal Xoogan Ku Qaaday Koonfurta Dalka Ciraaq.
April 30, 2021 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews;-Dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay sii wado Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ee BKK sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca iyo gaashaandhiga Dalka Turkiga.
“Hawlgalladan oo loogu magac Daray Pence-Simsek iyo Pence-Yildirim ayaa Milatariga Turkigu ay Bilaabeen Jimcihii Hore iyada oo lagu micneeyey kuwo lagu Dabar jarayo Kooxaha ay dawlada Turkigu u aqoonsan tahay Argagixisada ee ka Dagaalama Waqooyiga Ciraaq.
Bayaan Kaso Baxay Wasaaradda Difaaca iyo qaranka ayaa intaasi ku dartay in ay Ciidamada Turkigu u leeyahay ee Ka Dagaalamaya Waqooyiga Ciraaq ay Burbiryeen Gaadiid Dagaal iyo Miinooyin ay Kooxda gooni u Goosadka ah ee Kurdiyiinta PKK Ku Aaseen Soodinta ay Wadaagaan dalalka Ciraaq iyo turkigu,Wasaaradda ayaa sidoo kale Warbaahinta la wadaagtay muuqaal muujinaya hub iyo saanad milatari oo laga soo qabtay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda PKk iyo YPG.
Hawlgallada Pence-Simsek iyo Pence-Yildirim ayaa laga bilaabay 23-kii Abriil gobollada Metina iyo Avasin-Basyan ee waqooyiga Ciraaq ee u dhow xudduudaha Turkiga.
Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayip Ordugaan oo ka hadlay Hawlada Ciidamada Dalkiisu ay ka Bilaabeen Waqooyiga Ciraaq ayaa ku sheegay inay Yihiin Dagaalo looga golleeyahay in gebi ahaanba laga ciribtiro halista argagixisada ee xuduudaha koonfureed ee Turkiga.
Kooxda Gooni Goosadka ah ee PKK waxay inta badan adeegsadaan saldhigyo ku yaal waqooyiga Ciraaq oo kaabiga ku haya xuduuda koonfureed ee Turkiga Halkaasi oo ay kaso Maleegaan Weeraro ka dhana Dawlada dagaalka ay kula jiraan ee Turkiga.
In ka badan 35-sano ayaa Kooxda PKK waxa ay wadeen Dagaal Ka Dhana Dalalka Ciraaq Siiriya iyo turkiga ayaa u olalaynaya Gooni u Goosadka Gobolada ay Dadka Kurdiyiinta ahi ka Dagaan sadexdaasi Dal.
Xukumada Turkiga ayaa Dalalka Maraykanka iyo Midowga ku eedaysay Masuuliyda in ka badan 40 Kun oo qof oo ay sheegeen inay Dileen Maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo taageero Ka Hela Maraykanka iyo Dalalka Midowga Yurub.

COMMENTS
Latest News