Hangoolnews.com
Dalka Ruushka Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xaallada Khilaafka Ee Somaliya
April 30, 2021 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:;’Dowladda Ruushka ayaa Markii ugu Horeysay ka Hadashay khilaafk iyo is marin Waaga Siyaasadeed ee muranka Doorashooyinka Somaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in Dawlad Moosko ay ka qayb qaadanayso Dadaalada ay Wadaan Beesha Caalamku ee Xalka Loogu raadinayo Khilaafka Doorashooyinka SOmaliiya, Waxana sido kale War Kaso baxay Dawlada Ruushka Lagu Sheegay inay si dhow Ila Socdaan Arimaha ka dhacaya Somaliya iyo Qabasho la,aanta Doorashadii qorshanayd Bishii labaad ee sanadkani.
“Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay sii xumeysa qabasho la’aanta doorashooyinkii febarwari.”
“Anaga oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, Russia waxay qorsheyneysa inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee caawimaad dhameystiran lagu siinayo Muqdisho.”
Waa markii ugu horreysay ee Ruushku ay ka hadlaan is-mari waaga doorashada Soomaaliya, tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, 7-dii Febraayo 2021.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysay inay ku dhowaato Ruushka, kadib markii reer galbeedka ay Farmaajo ka diideen muddo kororsiga, waxaana 15-kii April Muqdisho ku kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov.
Horaantii Khilaafka Doorashooyinka Somaliya Waxa soo Baxay xogo hoose oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM.
Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah, islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka.
Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah.
Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan.

COMMENTS
Latest News