Hangoolnews.com
“Isbadalladii ka dhacay Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay waxay muujinayaan rajo wanaagsan”
April 28, 2021 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa xalay baraha bulshada soo dhigay muqaall uu kaga hadlayo isbadalladii dhacay shalay galinkii dambe illaa xalay,wuxuuna sheegay in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo taariikhi ah isla markaana dhanka nabdda loo qaaday.Wuxuu ku ammaanay madaxda maamul goballeedyad Galmudug iyo Hirshabeelle,go’aanka ay qaateen ee sida uu sheegay loogu daneynayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan leeyahay madaxda mamaul goballeedyada Hirshabeelle iyo Galmudug hambalyo go’aan geesinimo leh xilkasnimo leh ayaad qaadateen” ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Xasan ayaa sidoo kale boggaadiyay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweyay go’aanka ay soo saareen madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madaxweyne Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ee la xiriiray inay ka soo horjeedaan muddo kordhintii golaha shacabka u samaeeyeen hay’addaha dolwadda federaalka iyo in doorasho la aado iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii bishii September .

“Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa raysal wasaaraha jamhuuriyadda ee xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble adigana mowqifkaad qaadatay mowqif shariif ah waaye waana mowqifkii looga baahnaa inuu qaato qof raysal wasaare ah oo mas’uul ah adigana waad muujisay mas’uuliyadaada”ayuu yiri madaxweynihii hore .

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula taliyay ciidamada qalabka sida in ay qaataan amarka raysal wasarae Rooble isla markaana ay ku laabtaan xeryihii ay horey ugu jireen iyo goobihii kale ayna gutaan waajibaadkoodii shaqo ee dastuuriga ahaa.Madaxweynihii hore ayaa sheegay in isbadallada dhacay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay muujinayaan rajo wanaagsan isagoo muujiyay inuu ku faraxsanyahay uuna soo dhaweynayo.

Qoor-qoor iyo Guudlaawe

Warkii Galmudug iyo Hirshabeelle

Maamullada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sheegay inay isla qaateen in Soomaaliya ay si deg deg ah ay u aaddo doorasho oo meesha laga saaro nooc kasta oo muddo kordhin ah.

War saxaafadeed lagu shaaciyay bogga Facebook ay ku leedahay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in heshiiskii 17-kii September uu saldhig u noqonayo hannaanka doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowlad goboleedyada kale inay qaataan kaalintooda uga aaddan fulinta heshiiskii 17-ka September si dalka uu u aaddo doorasho lagu heshiiyay,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka labada bog ka kooban.

Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Soo dhaweyntii raysal wasaare Rooble

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhoweeyay war murtiyeed ay galabta soo saareen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ay kaga hor yimaadeen muddo kororsiga labada sano ee uu sameeyay Golaha Shacabka.

Qoraalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qodobada hoosta ku xusan:

·Waxaan soo dhawaynayaa war murtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

·Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha. doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

Madaxweynaha Soomaaliya

“Farmaajo wuxuu ku dayanayaa Afwerki”

18 Abriil 2021

COMMENTS
Latest News