Hangoolnews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo Sameeyey Marxuum jeneral Maxamed Cali Shire
April 27, 2021 - Written by Hangool News 1

Hargeysa:27/04/2021(Hangoolnews)-MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeybgalay Aasqaranoo loo sameeyeyMarxuumMaxamed Cali Shire oo kugeeriyooday magaaladaHargeysa.Madaxweynaha ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Maxamed Cali Shire, waxana uu marxuumka ku sifeeyey oday nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada waqti badan geliyey oo qaranka ka baxay, “Maanta waxaan joognaa aaskii Maxamed Cali Shire oo ahaa nin Soomaali oo dhan magaciisa laga yaqaanno.Janaraal Milateri ahaa, siyaasi ahaa, Aqoonyahan ahaa, intii danbena odayaasha nabadda ee Somaliland ahaa” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.Xubno kamid ah haldoorka bulshada iyo siyaasiyiinta qaranka oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo murrashaxiinta ka tartamaya xisbiga KULMIYE oo ay marxuumka isku deegaan ahaayeen oo Aaska qaran ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo kaalintii uu ku jirey Marxuum Maxamed Cali Shire, waxana ay ku sifeeyey aqoonyahan qaranka ka baxay oo kaalin weyn banneeyey.

COMMENTS
Latest News