Hangoolnews.com
Kumannaan ruux oo u dabaaldagay taariikhda ay samaysay Manchester City
May 21, 2019 - Written by Hangool News 1

Kumannaan ruux oo taageera kooxda Manchester City ayaa safaf dhaadheer ku galay waddooyinka magaalada iyaga oo u damaashaadaya taariikhda ay kooxdu samaysay, iyadoo markii ugu horraysay hal xilli ciyaareed ku guulaysatay saddex koob oo dalka gudahiisa laga dheelo.

Bas dumasha ka furan oo ciyaartoydu saaran yihiin ayaa dhex maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Manchester.

Ciyaartoyda ayaa markii dambana ka soo muuqday goob ay dad badaan isugu soo aruureen.

Ciyaartii ay lix iyo ebarka kaga badiyeen Watford Sabtidii ayaa u horseeday in ay hantaan koobka FA-ga, waxaana ka sii horreeyay oo ay qaadeen Horyaalka Ingiriiska iyo Carabao Cup.

Kooxdan uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa noqotay kooxdii u horraysay ee rag ah ee Ingiriiska ka dheesha ee saddexdaas koob isku xilli ciyaareed ku guulaysata.

Hoos ka daawo sawirrada damaashaadka.

Taageerayaal lulaya calanka Man CityLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionTaageerayaal lulaya calanka Man City
Kooxda uu tababaro Pep Guardiola ayaa horyaalka hanatay maalintii u dambaysay ee tartankaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKooxda uu tababaro Pep Guardiola ayaa horyaalka hanatay maalintii u dambaysay ee tartanka
Qoyska Conlan
Image captionQoyska Conlan
Carruur iyo ciroolaba damaashaadka way ka qayb galeenLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCarruur iyo ciroolaba damaashaadka way ka qayb galeen
Vincent Kompany oo damaashaadka ka qaybgalayaLahaanshaha sawirkaMANCHESTER CITY FC/GETTY IMAGES
Image captionVincent Kompany oo damaashaadka ka qaybgalaya
Taageerayaal sheedda ka fiirsanaya halyay yadooda
Image captionTaageerayaal sheedda ka fiirsanaya halyay yadooda
Man City parade
Jill Scott iyo Steph Houghton oo Manchester City u dheela ayaa kor u qaaday koobka dumarka ee FALahaanshaha sawirkaMANCHESTER CITY FC/GETTY IMAGES
Image captionJill Scott iyo Steph Houghton oo Manchester City u dheela ayaa kor u qaaday koobka dumarka ee FA

COMMENTS
Latest News