Hangoolnews.com
Deg Deg Akhri:- Wasiir Ka Tirsanaa Xukumadda Muuse Biixi Oo Imika Qiray In La Gubay Wasaaradda La Fadhiisiyay Idaacadii Waynayd
April 6, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Cabdiraxaam Cabdilaahi Faarax “Guri-barwaaqo” oo maanta xilka wareejiyay ayaa ku daray xil wareejintiisa in la gubay Wasaaradda lana fadhiisiyay Idaacadii waynayd.

Wasiirka ayaa waxaa hadalkiisa ka muuqatay in uu og-yahay cidda gubtay Wasaaradda iyo cidda bakhtiisay Idaacaddii waynayd oo muddo fadhiday.

Dhawaan ayay ahayd markii dab qabsaday qayb ka mid ah wasaaradda taas oo loo xidhay shaqaale muddo dheer aan helin Caddaalad sharci wali kuna jira laanta baadhista dambiyada ee hargaysa.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax is-daba marin galaafatay xilkii uu yahay,

Dhinaca kale shaqaalaha wasaaradda ayaa mar qudha isla oogsaday markii uu wasiirku sheegay in la gubay wasaaradda la fadhiisiyay Idaacadda.

Geesta kale hadalka wasiirku ka sheegay madasha uu xilka ku wareejinayay ayaa uu u yidhi si kalsooni leh oo u muuqatay in uu og yahay cidda gubtay.

Laanta baadhista dambiyada iyo garsoorka oo muddooyinkii dambe gacanta ku hayay arrinka ayaan la ogayn in ay waydiin doontaan Guri-barwaaqo cadaynta cidda uu og-yahay ee gubtay wasaaradda iyo fadhiisinta Idaacadda waynba.

Goor fillo muuqaalka oo dhamaystiran

COMMENTS
Latest News