Hangoolnews.com
Aqbalimayno in Jabuuti haysato Hantida Axmed Geelle” Eng Faysal Cali Waraabe
April 6, 2019 - Written by Hangool News 1

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dawladda Jabuuti haysato hantida ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab.

Ganacsade Geelle Arab ayaa sheegay in lacag gaadhaysa 128 milyan doollar ay dawladda Jabuuti xoog kaga haysato.

Eng Faysal oo la hadlay Horn Cable Tv ayaa yidhi ” Aqbalimayno in Jabuuti haysato Hantida Axmed Geelle”

 

COMMENTS
Latest News