Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayne Biixi Oo La Filayo  In Uu Qaado Talaabo Uu Ku Dajinayo Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Masuul Uu Xil Ka Qaadis Ku Samayn Doono
April 6, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu qaado talaabo ula muuqata in ay  dajinayso xaalada siyaasadeed ee dalka oo maalmahii ugu dambeeyay aad loogu hadal hayay sidda Xukumadda Somaliland uga falcelisay khilaafka ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Dawladda Jabuuti, taas oo shacabka dalka ka biyo diideen qaabka ay u waajahday xukumaddani arrinkani.

Maalintii daraad ayuun bay ahayd markii Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Jaamac Warsame uu akhriyay khudbad mucdeeda iyo muuqeeduba ahaa mid ay Xukumaddu ku riday xukun bilaa garsoor ah Ganacasadahaasi Axmed Cismaan Geelle oo khilaaf dhaqaale oo xoogani ka dhex taagan yahay Dalka Jabuuti.

Madaxwayne Biixi ayaa la filayaa in uu qaad talaabo uu doonayo in uu  ku hanto quluubta shacabkii ku kalsoonaa taas badalkeedana uu jeediyo ama soo saaro saxaafadeed uu ku daadifaynayo in aanu raali ka ahayn waxii uu jeediyay   Afhayeenkiisu oo uu ku dag dagay kalana tashan markii uu jeedinayay khudbadaasi saluuga badani ka muuday, halka dhinaca kale la filayo in uu Xil ka qaadis ku samayn doono Afhayeenka si riyadiisa loo rumaysto.

Wararka Hangoolnews helayo ayaa sheegaya in Maxamuud Jaamac Warsame loo sad-qayn doono dano siyaasadeed.

Waxii Warar ah kala Soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News