Hangoolnews.com
Masuul Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi Oo Talooyin Dhaxal Gal Ah U Soo Jeediyay
April 6, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo ayaa si qoto dheer ugu hadlay khilaaka ka dhaxeeya Ganacade Axmed Cismaan Geelle iyo Waddanka Jabuuti waxaanu ku baahiyay qoraalkan bartiisa Face-booga oo u dhignaa siddan

“Nin ku yidhi i daw mari
Duudsiguu tirsanayoo
Laga daayo mooyee;
Wixii kalaba doog iyo
Dacar bay ku kiciyaan.” – Dabataxan, Gaarriye (AHN).

Maalmihii ugu danbeeyay waxa jirtay arrin innagu ugub ah oo u dhexaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay hadlay, waxa sidoo kale xalay shir saxaafadeed qabtay afhayeen u hadlay Axmed Cismaan Geelle. Arrintaasi way dhammaan doontaa taariikhna way reebi doontaa, dadkana waxa aan leeyahay yaan si caaddifadaysan loo sii buunbuunin.

Madaxtooyadu waa xabagta isku haysa ummadda, madaxweynuhuna waxa uu leeyahay adeegayaal uu u xushay hawlaha qaranka, kuwaas oo xidhiidhiya madaxweynaha iyo shacabka. Arrintan waxa iiga soo baxday in uu maqan yahay biriishkii isku xidhi lahaa Beesha Arab iyo madaxtooyada JSL. Raggii uu madaxweynuhu deegaankaas ka xushay doorkoodii may qaadan, waana sababta keentay in muhmal iyo madmadaw kala dhex galo madaxtooyada iyo beesha.

Ugu danbayn, Madaxweynaha JSLMuuse Biixi Cabdi waxa aan leeyahay Axmed Cismaan Geelle waa muwaaddin ganacsade ah oo aad madaxweynihiisii tahay, difaaca hantidiisa iyo doonista hantida ka maqanina waa waajib madaxweyne oo ku saaran.

Sidaas darteed, madaxweyne waxa aan ku leeyahay hoos ha u eegin dhawaaqyada dhinacyada kala duwan ee bulshada ka yimid, cunfi danbana yuu jirin ee noqo kii caafimaadka keenayay, Ilaahayna ha ku waafajiyo.

Wa billaahi Tawfiiq.

COMMENTS
Latest News