Hangoolnews.com
Maxaa Baajiyey Waftigii Uu Hogaaminaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jabuuti Ee Hargeysa Iman Lahaa
April 4, 2019 - Written by Hangool News 1

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Burhaan iyo wefti uu hoggaaminayo oo todobaadkan iman lahaa Somaliland ayaa la sheegay in uu baaqday sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen telefishanka Horn Cable.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Burhaan waxa bishii hore Casuumad u fidiyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Jabuuti kaga qayb-galay Afartan Guuradii Aasaaska xisbiga Talada Jabuuti haya ee RPP.

Si Rasmi ah looma oga sababta baajisay Weftiga reer Jabuuti ee socdaalka ku iman lahaa Somaliland Toddobaadkan, laakiin Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Jabuuti ee Wasiirka Arrimaha guduhu ka mid yahay ay go’aansadeen inay socdaalkaa dib u dhigaan, maaddaama oo ay jirto hadal hayn la xidhiidha Dacwadda Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo bulshada uu kasoo jeedaa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dabagalka ay xukuumadda jabuuti ku hayso hantida Ganacsadahaasi.

Weftigan oo si weyn loo filayay maalmihii Salaasada iyo Arbacada ayaa la rumaysan yahay in uu ka maagay xiisadda ka dhalatay dacwad ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo la sheegay in xukuumadda Somaliland aqbashay.

Xukuumadda Somaliland iyo tan Jabuuti ayaa dhalliil weyn kala kulmay rayul caamka Somaliland oo si weyn u taageeray ganacsade Axmed Geelle Arab waxaana jirtay hadallo culus oo ka soo yeedhay madax dhaqameedka degaanka ganacsaduhu ka soo jeedo kuwaas oo loo qaadan karo in ay sabab u noqdeen baaqashada weftiga Jabuuti

COMMENTS
Latest News