Hangoolnews.com
Booliis qaawan oo qof dambiile ah xidhay
April 2, 2019 - Written by Hangool News 1

Booliis aan shaqada ku jirin ayaa isaga oon dhar qabin dadaal u galay in nin xiro ka dib markuu qof dambiile ah ku arkay qol dhidid la iskaga keeno oo aad u kulul oo ku yaalla Sweden.

Askariga oo ku jira qolkan kulul ee dhididka la isaga keeno oo ku yaalla magaalada Stockholm ayaa si degdeg ah u aqoonsaday in mid ka mid ah ragga hareer fadhiga uu yahay qof loo haysto dambiyo daroogo la xiriira.

Booliiska degmada Rinkeby oo qoraal soo dhigay Facebook ayaa ammaanay tallaabada uu qaaday askariga.

“Meelkaste waan joognaa. Haddii aadan na arkinna, waan kula joognaa,” ayaa lagu sii daray qoraalkaas booliiska.

Arrin halis ka dhalan kartay ayay ahayd maadaama oo ninkan baxsadka ah sidoo kale lagu helay isku day ku saabsan in uu tacaddi gaysto.

“In aad tallaabo qaaddo waxay sahlan tahay marka ay saaxiibbadaa ku weheliyaan, ee qalabkaaguna kuu dhamaystiran yahay, balse askarin wuxuu shaqada qabtay isagoo aan dhar qabin oo ugu talagalay in uu dhidid iska keeno,” ayuu yiri Christoffer Bohman oo ah taliye ku xigeenka booliiska Rinkeby.

“Arrinta layaabka leh waxay tahay in labadooduba ay is garteen iyaga oo ku dhex jira qolka la isku kululeeyo ee afka qalaad lagu dhaho sauna” ayaa laga soo xigtay in uu yiri taliye ku xigeenka.

Ninka masuulka ka ah xarunta dhididka la isaga keeno ayaa wargeyska Aftonbladet ee maalin walba ka soo baxa Sweden u sheegay “markii askarigu arkay ninka dambiilaha ah wuxuu dadkii qolka gudahiisa ku jiray ku wargaliyay in cidina aysan ka bixin kuwo hor lehna aysan gali karin, ka dibna ciidammo xoojin ah ayuu dalbaday”.

COMMENTS
Latest News