Hangoolnews.com
Dowladda federaalka oo ka hadashay doorashooyinka 2020
April 1, 2019 - Written by Hangool News 1

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Aqal Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad goboleedyada ay kala heshiiyeen nidaamka doorashooyinka soo socda.

Ra’isulwasaaraha oo aan arrintan faahfaahin, ayaase balse sheegay in hindise sharciyeedkii doorashada la horgeyn doono Aqalka Baarlamaanka si loo ansixiyo.

“Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadu waxay dhameystireen waxkasta oo kamid ah geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya si dalka ay doorasho uga dhacdo 2020-2021, Dowladda dhexe waxay dhamaystirtay soo celinta Qarannimadii Soomaaliya, madxafkii Qaranka, Maktabaddii Qaranka, iyo Taalooyinkii Qarankaba dhawaan waad arkaysaan” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

Arrimaha doorashooyinka ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee dhanka siyaasadda la’isku hayo, iyada oo xisbiyada mucaaradka ay dowladda ku eedeynayaan in aysan weli kala cadaynin moowqifkooda arrimaha doorashada iyo qaabka loo galayo.

Kalfadhiga Aqalka Sare

Labadii jeer ee ugu dambeysay ee Aqalkan la furey ma uusan furin madaxweynaha federaalka, kaas oo ay dastuuri tahay in uu furo.

Aqalka oo kalfadhigii koowaad ee qabsoomay 2017-kii waxa ay isku mar iyo isku meel ku furmeen Golaha Shacabka, balse wixii markaas ka dambeeyay furitaanka Aqalka Sare waxaa loo qabanayay si ka madax banaan Aqalka kale.

Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo ka sheekeeyay waxqabadkii xukuumadiisa ayaa dhanka kale xildhibaanada Aqalka Sare ka codsaday in ay dardar galiyaan 29 hindiso sharciyeed oo loo gudbiyay kadib markii Golaha Shacabka ay kasoo gudbeen.

Furitaanka ayaa waxaa kasoo xaadiray 35 xildhibaan.

Guddoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi ayaa soo xirey kulanka oo qaatay saacado badan, islamarkaasna ay dhacday in guddoomiyaha maxkamadda sare uu baajiyay khudbaddii uu jeedin lahaa sababo lagu sheegay kuleyl jira awgood.

“Wixii hadda ka dambeeya waa furanyahay Aqalka Sare” ayuu

COMMENTS
Latest News