Hangoolnews.com
Shan Su’aalood Oo La Waydiiyay Maxamuud Xaashi
March 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa habeen hore ka qayb galay barnaamij uu soo qaban qaabiyay machadka daraasaadka iyo falanqaynta siyaasadda ee CPA.

Cawayskaas oo uu Maxamuud Xaashi ku soo bandhigay khilaafka gacanka Carabka iyo isbedelada Geeska Afrika iyo weliba doorka Somaliland.

Maxamuud Xaashi, ayaa markii uu dhammeeyay khudbadiisa, waxa la weydiiyay su’aalo badan oo uu qaar ka mid ah weydiiyay garyaqaan Guuleed Dafac oo ka tirsan CPA oo madasha xidhiidhinayay. Su’aalaha ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen.

Meesha Somaliland juquraafi ahaan dhacdaa waa shayga ugu muhiimsan ee ay ku ciyaari karto siyaasadda gobolka, kuna raadin karto aqoonsi. In saldhiga ciidan la siiyo Imaaraadka miyaanay ahayn in Somaliland kaadhadhkeedii oo dhan hal mar ay wada dhigtay iyada oo aan waxba ka dheefayn?

Anigu ma aaminsani inay degdeg ahayd oo ay ahayd jookarkeenii oo aynu badda hore ugu qadinay anigu ma aaminsani, saaxiibtinimadu kalsooni ayay u baahantahay cad aynu wada guulno ayaynu saaxiibadeen aynu u baahanahay mandaqada waxa ka jira dagaal xaasaasi ah oo saamayn weyn ku leh wadamada gacanka Carbeed Sucuudiga,Imaaraadka saaxiibkaa haddii aad dhibta la qaybsan waydo maalin ay dheefi jirto qiimaha aad u yeelanayso ayaa calaamatu su’aal leh.

UN Monitoring Group ku waxay sheegtay in lacag la siiyay Baarlamaanka markii uu ansixiyay heshiiski saldhigga. Is jiid jiid badan iyo caydhin laga saaray xildhibaano si xoog ah oo u muuqatay cabudhina way jirta. Baarlamaanku dood kama gelin ee hal maalin ayuu ku xaabiyay. Miyaanay caddayn in hanaanka loo maray uu qalad ahaa?

Warbixinta kooxdaasi ay qortay waxba ka hadli maayo, wadankan inaga ayaa leh inaga ayaana maamulana maslaxadiisa iyo wanaagiisa inaga ayaa og, qodobka labaad xogogaalba maaha waxa ay hayaan waa ku-tirikuteentaas inaga dhaxeedna aynu iska lahayn iyo dacaayadaha ay jaraa’idkeena iyo shabakadaheenu qorayeen Guuleedow meeshana may joogin, meesha xildhibaanada lacagta lagu siinayayna markhaati kamay ahayn, iskaba daaye waxay caar ku tahay qaranimada Somaliland labadii gole ee umadan u talinaayay inay kooxi tidhaahdo lacag ayaa la siiyay iyaga oo aan xogogaal ahayn waa hadal aanay u meel dayin oo mudan inay xaal ka bixiyaan, Kooxda dabagalka hubka ee UN-ku maxay uga hadli waayeen maalin walba dekedo ayaa dunida laga bixiyaaye gaar ahaan Geeska Afrika, mid baarlamaan la geeyayna ma jirto mid laba aqal la geeyayna ma jirto, waxynu nahay wadanka kaliyaata ee heshiiskii maalgalinta dekeda Berbera baarlamaan geeyay,ee saldhigii labada aqal ee Somaliland isugu yeedhay, ma fahansantihiin qiimaha ay leedahay labada aqal ee Somaliland marka laysugu yeedho qiimaha ay leedahay gabigooduba waxa ay kulmaan xaalado kooban ma kulmi karaan waa laba aqal oo is miisaama oo sharciyada isku celiya, waxay kulmaan marka khudbad sanadeedka madaxweynuhu uu jiro xaalad adag oo qaranka ku soo koradhay oo colaad ama masiibo ahna way kulmaan, xataa mudo kordhimaha kama kulmaan, qadiyadaas waynayn aanu u samaynayno ayaanu labada aqal isu keenay.

Berbera Corridor aad ayaa loo hadal hayay mudo dheer. Waxaana la sheegay in Imaaraadka lagula heshiiyay inuu dhiso. Waxa aad idinku kala hadasheen xiligiinii ma waxa uu ahaa balaadhinta wadada hada jirta mise samaynta mid cusub?

Dawlada Imaaraadka Carabta saldhigii milatari ee aynu siinay wax ugu miisaan weyn oo ugu qiimo badan ee umadd ahaan aynu macaashanay ee siisanay waa Wadadaas, haddii dekedaasi ay noqoto bilaa wado 442-ka milyan ee DP World ay galinaysaa faaido ma yeelanayaan waa ceel aad qoday oo dar looga soo arooro iyo wado toona aan lahayn, sidaas ayaanu u arkaynay, DP World-na wadada inoomay dhisayn ee dekedaynu ku heshiinay, Imaaraadka waxaanu ku heshiinay in waddo cusub laynoo sameeyo markii farsamadii la galay ee shaqadii la gudo galay waxa soo baxday in wadada hadda la samaynaayo oo aan bulshada Somaliland u xaqiijinaayo inay tahay mid cusub, sida wasiirka gaadiidku uu sheegay waa waddo cusub laakiin waxa loo arkay maslaxad in wadadan la qaado qaybteeda sare oo dhan oo laga faaidaysto oo dhismihii hore ee wadadu halkii ay maraysay waayo deegaanka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa badankiisu waa buuralay iyo dooxyo xiliyadii Ingiriiska iyo Somaliyana waa la sameeyay meelo badan oo loo duwo oo wado cusub laga sameeyaa in aanay jirin ayaa laysku qanciyay farsamo yaqaanadii Somaliland iyo Imaaraadku waxay isku raaceen in wado cusub oo meel kale laga sameeyaa ay dhib badnaanayso sidaas darteed wadadan wado cusub laga dhigo oo dib loo qaado oo meelaha ay ka daacdayna dib loo dhiso waddo cusub ayay noqonaysaa.

Aan naaxiyo madaarka Cigaal wasiirkii duulista ayaan ahaa dhabaha maanta laga sameeyay ee laga duulaa waa dhabo cusub hadana waa uu ku qotomaa dhismii hore ee Ingiriisku inoo sameeyay waxa la qaaday lakabyadii hore oo dhan dhismihii hoose ayaa loo tagay oo dhagaxii ayaa dib loo habeeyay wadadu halkii ay maraysay ayaa laga faa’idaynayaa wadadana waxii nool waa laga faaidaynayaa, markaas waa wado cusub.

Dawladdu waxaay sheegtay inaan saldhigga la kirayn. Taasi dad badan way ka yaabisay. Tusaale ahaan sida uu Madaxweyne Geele u sheegay wargeyska Jeune Afrique ee ka soo baxa Faransiiska Jibuuti waxaay ku kiraysay saldhigeeda 58 M to USA, 30 M Euro to France, 3.5 M to Japan Shiinaha oo ka mid ah dadka ay saldhigyada ka kiraysay, wado tareenna wuu u dhisayaa. Somaliland inay ilaa xadkaas is bahdisho oo ay gor gortami kari waydo, saw eed aad leedihiin masuuliyiintiinu maaha?

Heshiisyada waxa meelahaas ka baxaa waa waa wax baxsaday ee sidan waxeenu banaanka u yaalaan dunida uma yaalaan, qodobkaas hoosta ayaan ka xariiqayaa,dunida ama saldhig milatari ama deked aad cid cad guulaysaan ha noqotee lababa waa halka ay iska heshaa, duruufo kala duwan ayaa heshiisyada saamayn ku leh xaalada dalkaasi saamayn ayay ku leedahay,baahida wadanka kale haysaa saamayn ayay ku leedahay, baahida wadanka wax bixinaaya haysataa saamayn ayay ku leedahay waxyaabo badan ayaa saamayn ku leh, inagu been isku sheegi mayno waatan imika lay waydiinayay heshiisyo miyaynu gali karnaa, inagiibaaba ka shakisan inaan heshiis gali karno waxyaabahaas oo dhami miyaanay ina baqsayn, anigu waxaan leeyahay heshiiskii ugu weynaa ee aynu galno weeye wax weyn ayaynu macaashnay, waatan ku maaha maahayay hal dan oo aad leedahay ayaa nin 12 danood loo siiyaa baahidaada ayay markaas ku xidhantahay oo haddii dantaasi ay xoog kuu hayso oo aad hore u waydo waxaad ku qasbantahay inaad heshaa, kooridhoorka aan siisanay 25 sanadood ayaa laynoo baahaynaayay oo cid inaga caawisa iyo cid ina daymisaba aynu waynay in aynu waxeena ku sarifano oo aynu horumar gaadhno talaabo kudhac leh ayay ahayd, Jabuuti oo wadamo badan ay kulaalayeen in aynaan inagu heshiiyadaas badana helin ayaa laga yaabaa oo taas laftigeedu saamayn ayay leedahay.

Heshiiskii laga ansixiyay golaha wakiilada 2016 waxa ku qornaa lacago badan oo aynu ka helayno dekeda Berbera kiro, faa’idada sanadkii iyo khidmado kale, wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in dawladii hore ay sii qaadatay waxii aynu ka helaynay dekeda sida oo kale kumay jirin miisaaniyadii 2017,2018 iyo 2019, lacagtaas dekedu meelna kagama xusna inay soo gashay qasnada guud ee qaranka, lacagtaas yaa qaatay oo sumadeeda lagu ogyahay?

Xukuumadii Axmed Siilaanyo waxaan cadaynayaa wax kirooyinkii dekedaas ah oo wakhtigeedii aan la gaadhin oo aanu sii qadimanay in aanay jirin waanu cadaynaynaa, waa run xisaab xidhka 2017-ka kuma jirto, 2016-kana kuma jirto lacag aanu qadimanay waanay jirin, hanagu soo cadeeyeen cida leh lacag ayaad qaadateen, cida leh odayaashii wax bay ku sii faro laabeen hanagu cadeeyeen laysuma darnaadee, anigu wasiir maanta ma ihi, dawladu inay qaaday qadimatay maanta iyo in kale taas anigu kama jawaabi karo, taas waxa ka jawaabaya wasiirka maaliyada iyo cidii kale ee xogogaal u ah.

COMMENTS
Latest News