Hangoolnews.com
Wefti Somaliland Ah Oo Jooga Dalka Masar
March 26, 2019 - Written by Hangool News 1

Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa bookhasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Masar. Ujeedka bookhashada ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho xidhiidhka Masar iyo Somaliland.

View image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter

Minister Liban Yousuf Osman@DeputyLiban

My Visit in , i have met with the minister Foreign Minister For africa H.E Hamdi Loza, Foreign Minister For africa affairs Hon. Aboubakar Hefny, General for Egyptian agency of partnership for development, & Generals from the defence ministry.

15 people are talking about this

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf ayaa u mahadceliyay dawladda Masar “ “Waxaanu si aad ah ugu mahadcelinayna dawladda iyo dadka Masar sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen,” Ayuu yidhi Mudane Liibaan oo qoraal socdaalkan ku saabsan ku baahiyay boggiisa Twitter-ka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu kulan la qaatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika qaabilsan, kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee amuuraha Afrika iyo masuul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca.

View image on TwitterView image on Twitter

Minister Liban Yousuf Osman@DeputyLiban

My visit to Egypt is aimed at fostering the historic relationship btw Somaliland and Egypt and deeply discussed the Role of egypt in the Horn of Africa and the bilateral cooperation  btw two Nations in the areas of Education, health, economy development and security.

34 people are talking about this

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas ku daray in ujeedka socdaalkoodu yahay dardar gelinta xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee dhinacyada iskaashiga: Waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo ammaanka. sidoo kalena ay si weyn u falanqeeyeen doorka dawladda Masar ka ciyaarayso Geeska Afrika.

COMMENTS
Latest News