Hangoolnews.com
Akhri:- Hayaddaha Uu Baadhista Ku Sameeyay Xafiiska Hanti-Dhowraha Guud Ee Somaliland Iyo Halka Kaliyaata Ee Uu Beegsaday
March 23, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xafiiska Hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa baadhis ku sameeyay goobo kala duwan oo ka tirsan hayaddaha qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaa ka mid ahaa meelaha uu Hanti-dhowrahu baadhista ku sameeyay Dowladda hoose ee Hargaysa, Gabilay, Boorama iyo WasaaraddaWarfaafinta inta la og-yahay.

Baadhitaanka xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa markii uu galay Dowladda hoose ee gabilay sheegay in ay jireen khaladaad yar yar oo ay saxeen mana sheegin qaabka ay u saxeen khaladaad kaasi iyo eed ahaan waxaa ka dhalan karayay, waxaa kale oo ay galeen Dowladd hoose ee hargaysa iga oo aan cidna musuq ku tilmaamin ayay  ka baxeen, waxay galeen dowladda hoose ee Boorama ay xidheen  laba qof waxaanay sheegeen ay ku daba jinaan saddex kale, waxay galeen wasaaradda warfaafinta waxay waaran qabasho ah u sameeyeen agaasimahii guud ee iscaslay iyo agaasimahii maamulka iyo lacagta ee wasaaraddaasi halka damiin lagu sii daayay agaasimahii guud ee hore , waxaa la reebay agaasimahii maamulka iyo lacagta oo deegaan aan ka soo jeeda gobolka Awdal

Isku soo wadda duuboo waxaa dadka siyaadda Xafiiska hanti –dhowrka indha-indheeyaa ay saluugsan yihiin nidaamka uu u shaqaynayo xafiiskaasi waxaana bulshada in ka mid ahi ay ka biyo diidsan tahay in la xidho kaliyaata masuuliyiinta reer Awdal, halka aanay jirin cid kale oo baadhitaanada hanti-dhowrku ku oogeen eed ah musuq,

Xukumadda Muuse Biixi ayaa markii ugu horaysay cid musuq u xidhay wallow aanay masuuliyiintii loo  haystay eedaha aanay xabsiga dhigin oo qaarkood wali xilalkii hayaan.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News