Hangoolnews.com
Akhri:- Shirkadda Dahab-Shiil Oo Difaaci Kari Wayday In Ay Ka Jawaabo Mid Ka Mid Ahaa Shaqaalaheeda Oo Lagu Eedeeyay Argagixiso
March 20, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shirkadda Dahab-shiil ayaa warbixin uu ka diyaariyay Telefishanka Al-jasiira lagu sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Dahab-shiil in uu ku xidhan yahay Xabsiga ugu   wayn waddanka Maraykanka kaas oo loo haysta arrimo Argagixiso,

Sidda ay baahisay Aljasiira oo aanu warbixinteeda soo turjunay ayaa sheegtay in shirkadda Dahab shiil lacag badan ku bixisay sii Google looga saari macluumaadka ninkaasi iyo sawiradiisa.

Haddaba siddi aanu idiin balan qaadnay qaybtan ayaa ka mid ah qabtii ay kaga hadashay Al-jasiira ninkaasi ka tirsanaa shaqaalaha Dahab-shiil ee loo haysto argagaxisada,

“Baadhitaanka Waxa Noogu Soo Baxay In Shirkadda Dahabshiil in Lagu Helay Eedaymo La Xidhiidha Argagixiso Iyo Lacagaha La Maydho, Ninka Ka Tirsanaa Shaqaalaha Dahab-Shiil Oo Lagu Xidhay Xabsiga Guwaantinaamo, Waxaanay Arrintaa Sababtay In Bangiga Ingiriiska Ee Barclays Bank Uu Xidhiidhka U Jaro Shirkadda Dahabshiil Sannadkii 2013-Kii, Laba Sanno Ka Dib Dahabshiil Waxa Ay Shirkada “Buttingar” U Xilsaaratay Si Ay U Ilaashado Sumcadeeda, Ka Dib Shirkaddii Waxa Ay Samaysay In Ay Ka Saarto Macluumaadka La Xidhiidha Cilaaqaadka Shirkadda Dahabshiil Iyo Ninkaa Lagu Eedeeyay Argagixisada Google-Ka Waxaana Laga Saaray Macluumaadka Oo Dhammaystiran Ilaa 20 Warqadood Ee Ugu Horreeya Google, Shirkad Kale Oo Lagu Magacaabo SCL Ayay Shirkadda SOMTEL U Xilsaaratay Sannadkii 2017-Kii Waxaanay La Gashay Heshiis Gaadhaya 3 Milyan Oo Dollar Si Imaaraadka Carabta Si Loo Cunaqabateeyo Qadar”

Dhinaca kale jawaabta ay shirkadda lagu eedeeyay Argagixisadu ay bixisay ayaa ah mid aanay si toosa  ugu beeninay eeda loo jeediyay ee Argagixiso waxaanay u dhignayd siddan:-

Shirkadda Dahabshiil Group oo Si Xooggan U Beenisay Eedaha Aljazeera

 Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay.

Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons).

Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada.

Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah.

Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains).

la soco qaybaha kale ee warbixntu qortay

COMMENTS
Latest News