Hangoolnews.com
Xaaladda Balcad oo deggan kaddib weerarkii xalay
March 19, 2019 - Written by Hangool News 1

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay saaka deggan tahay xaaladda kaddib weerar ay xalay ku qaadeen kooxda Alshabaab.

Afhayeenka maamul-goboleedka Hirshabeelle, Daa`uud Xaaji Cirro oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Alshabaab ay markii hore degmada ka soo galeen dhanka Kulanka oo ah waddada u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray ciidammada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah.

“Waxay saacado kaddib weerar kale ka soo qaadeen dhanka waddada Basra ee Afgooye ka timaadda oo Balcad soo gasha, ciidammadeennana dib ayay uga gurteen degmada, nawaaxiga degmada ayayna ku sugan yihiin,” ayuu yiri.

Alshabaab ayaa sidoo kale la sheegay inay galeen saldhigga booliiska degmada oo ay ka sii daayeen maxaabiis halkaas ku xirnaa.

Waxaa sidoo kale jiray diyaarado dul heehaabayay degmada. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa noo sheegay inay jiraan dad isaga qaxay degmada, iyagoo ka baqaya duqeymo ay geystaan diyaaradahaasi.

Daa`uud ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay jiraan oo maamulka Hirshabeelle uu ka warqabo, hase yeeshee aysan geysan wax duqeymo ah.

COMMENTS
Latest News