Hangoolnews.com
Akhri:- Telefashan Al-Jasiira Oo Shirkadda Dahab-Shiil Ku Eedeeyay In Ay Gacan-saar La Leedahay Ururo Argagixiso
March 19, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii uu baahiyay Telefeshanka Al-jasiira warbixin uu ka diyaariyay Marsadda Dakadda Barbara taas oo uu qaybo ka mid ahna ku duray Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale “Dahabshiil” oo warbixintu muddo dheer kaga hadlaysay ganacsigiisa iyo taamaynta uu ku leeyahay geeska gaar ahaan gayiga somalida.

Warbixintan ayaa Al-jasiira ku sheegtay in xataa qaar ka mid ah shaqaalahii ka shaqayn jiray shikada Dahab-shiil loo haysto arrimo agagixiso oo ay ku xidhan yihiin jeelka ugu wayn dunida ee maraykan ku leeyahay,

Dhinaca kale warbixin ayaa laga hadlay sidii ay Shirkadda Dahab-shiil ugu faa,iidaysatay Xukumaddii Madaxwayne Siilaanyo oo warbixintu tilmaantay in ay isku caa,ilad ahaayeen Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale “Dahab-shiil” iyo Wasiiro ka tirsan Xukumaddii Siilaayo oo ay sheegtay in ay wakiilo ugu ahaayeen Xukumadda, horena ugu shaqayn jireen shirkaddan Dahab-shiil.

Waxaa kale aanu idinla wadaagi doono anagoo eegayna  akhristayaashayada naga codsaday in aanu u soo turjuno barnaamijkan, qaybo kale oo ay ka mid tahay in shirkadu gacanta ku hayso qabashada lacagta dakadda Barbara,

Geesta kale waxaanu barnaamijkan oo ku qoran afka hooyo idinla waddaagi doonaa barito insha-allaah, halka aanu isku dayi doono in aanu dhankooda eedahan wax ka waydiino shirkadda Dahab-shiil.

La socod wacan

COMMENTS
Latest News