Hangoolnews.com
Akhri:-Arrin Mucjiso Ah Oo Ka Dhacday Masaajid Ku Yaal Magaalada Hargaysa Iyo Iimaanka Oo Ka Waramay
March 18, 2019 - Written by Hangool News 1

 

Hangoolnews:- Mid ka mid ah Masaajidada magaalada Hargaysa oo dhawaan la furay kuna yaala Degmadda 26 juun gaar ahaan Garoonka Tima-cadde dhankiisa koonfureed “Hindiya laynka” oo ay dhiseen Ilma Ciise Dur-dur ayaa waxaa soo waajahday dadkii ku tukunayay marka ay salaada dhamaystaan in ay waayaan Kabahoodii oo maalinba mid yidhaah ana shalay siddan oo kala ayaa igu dhacday .

Sidda uu sheegay iimaanka masjidku waxaa masaajidka ku xidhan kamarado lagala soconayo dhaqdhaqaaqa masjidka waxaana markiiba dib loo eegay kamaradahaasi waxaa la ogaaday in marka salaada la galo kabaha ay qaataan dad aan iyagu tukan,

Haddaba Culimadan ayaa waxaa ay markiiba howl galiyeen intaan salaada la galin dad dhalin yar ah oo la socda cida kabaha gurata, iyo in uu yahay kii hore ee kamaradu qabatay oo wajigiisa ay si fiican u daawadeen.

Nasiib wanaag ninkii kabaha gurnayay ayaa sidda uu sheegay iimaanka masjidku markii salaada la galay soo galay masaajidka si uu howlahiisii u wato, waxaana lagu guulaystay qabashadii qabashadiisa waxaana markiiba loo gudbiyay ciidanka booliska.

Arrinka mucjisada leh ayaa ah in markii wax la su,aalay ka hor intaan ciidanku iman uu sheegay in ay yihiin asxaab badan oo talaabada noocan oo kale ah ku shaqaysta, waxaa kale oo uu sheegay ninkaasi la qabtay in ay ka iibiyaan kabaha ay qaataan qaar ka mid ah kaboolayaasha magaalada oo ay ka siiyaan wax jaban.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News