Hangoolnews.com
Masaajid Ku Yaalla Malaysia Oo Laga Mamnuucay Dalxiisayaasha
June 26, 2018 - Written by Hangool News 1

Masaajid ku yaalla Malaysia oo dalxiisayaasha laga mamnuucay iney booqdaan kaddib marki ay laba haween ah oo loo maleeyey iney ajnabi yihiin ay muuqaal iska duubeen oo ay barasha bulshada geliyeen.

Labada haween waxay xirnaayeen dhar gaagaaban oo jirkooda muujinaya waxay muuqaalka isaga duubeen iyaga oo ku jaasayo masaajid Kota Kinabalu ee ku yaalla jasiiradda Borneo.

Hay’adaha ay quseysa ayaa waxay ku guda jireen sidi loo soo saari lahaa haweenkaasi waxa ay yihiin, waxayna ugu dambeynti ogaadeen iney ahaayeen haween ajaanib ah oo ka soo jeeda bariga Aasiya.

Masuul ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sabah ayaa wuxuu sheegay muuqaalka inuu yahay mid muujinayo “ixtiraam la’aanta ay u hayaan diinteenna Islaamka ee soo dhaweynta iyo wanaagga ku dhisan”

Maamulka masaajidka waxay sheegeen iney labadan haween muujinayaan "ixtiraam darradooda"Lahaanshaha sawirkaSABA INFO
Image captionMaamulka masaajidka waxay sheegeen iney labadan haween muujinayaan “ixtiraam darradooda”

Maamulaha masaajidka ayaa wuxuu sheegay gaadiidka shacabka inaan loo oggoleyn iney dalxiisayaal dambe ay keenaan masaajidka iyo agagaarahiisa, wuxuuna intaa ku daray iney wadahadallo u socdaan wakaaladaha ka shaqeeya dhinaca dalkiisa si looga hortago dhacdooyinka noocan ah.

Dalxiisayaasha booqanaya masaajidda ku yaallo Maleysiyana waxaan kula talinayaa ayuu yiri iney soo xirtaan dhar asturan.

Dhacdadani ma aha tii ugu horreysay ee ka dhacda gobolka Sabah oo bulshada dhexdeeda ka abuurtay niyad jab iyo welwel aad u weyn.

COMMENTS
Latest News