Hangoolnews.com
Shirkad Caalami Ah Oo Shaacisay Inay BERBERA U Qorshaysay Xuddunta Kaydka Shidaalka Geeska Afrika
September 8, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews;- Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maalingalin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika.

Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku cadeeyen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi.
Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay.

COMMENTS
Latest News