Hangoolnews.com
Imaaraadka Carabta Iyo Israa’iil Oo Dhisaya Isbaheysi Ka Dhan Ah Dal Islaami Ah
September 8, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka.

“Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xidhiidh cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan ayna marnaba soo gaadhin xeebaha Mareykanka ama ayna cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News.

Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”.

13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xidhiidh dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sannado ah

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israa’iil ee Daanta Galbeed ayna weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay.

COMMENTS
Latest News