Hangoolnews.com
Aduunka, Africa, Geeska Africa, Jaamacadda Carabta Iyo Soomaalidaba Waxa U Wanaagsan Somaliland Oo Loo Aqoonsado Qaran Madax Bannaan
August 26, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews;- Dawladnimo soomaaliyeed oo hindisaheegu yahay in ay Somaalida Bariga Africa ku nool oo dhami hal dal isku noqdaan waxa bilaabay oo hamuunteeda iyo jacaylkeegu iyo jibadeedu hayey dadka Jamhuuriyada Somaliland,  waana dalkii ugu horeeyey ee dawladnimadiisii u loogay in ay helaan shan soomaaliyeed oo dal isku noqda.

Marka aad taariikhda iyo dhacdooyinkii jiray dib u raacdo Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay 1990kii waxa ay dhisnayd 30 sanadood oo kaliya , waxa ku midoobay shantii soomaaliyeed   laba ka mid ah oo kala ahaa British Somaliland Protectorate ( British Somaliland) iyo Italian Somaliland Trusteeship ama ( Italian Somaliland) oo noqday Jamhuuriyadii Somalia 1 july 1960kii.

Waxyaabaha Somalia burburiyey ayey ka mid tahay riyada doonista Shanta soomaaliyeed,  sababta oo ah labadii ugu horeeyey ee isku darsadey markii ay xoroobeen ayaan waxbaba ku heshiin,  waxii ay kala qorteen ee lagu midoobayeyna iskuba diiday,  waxa taa ka sii wadada lagu doonayey Shanta soomaaliyeed waxa ay ka hor imanaysay shuruucdii midowga Africa oo ee 1963kii oo dhigayey in aan dalna dal kale farogalin arimihiisa gudaha isla markaana aqoonsanaa xuduuduhii uu isticmaarku ka tagey , taasi oo Jamhuuriyadii Somalia loo arkay fidno cusub , loona werweray dalalka Africa oo aan isir ku dhisnayn ee xuduudo ku dhisan.

Kacaakufkii iyo daalaadhacii faragalin dibadeed iyo mid gudaheega jamhuuriyadii Somalia wax kala hororsatay waxa ay dhashay burbur,  xasuuq,  dawlad la’aan iyo in soddon sanadood oo kale maanta laga joogo iyada oo labadii Soomaali ee isku biiray ay midina inta ay dawladnimo iyo dib u heshiisiin dhisatey aanu caalamku aqoonsi siinin oo u garba duubnayd Somaliyadii koonfureed oo iyaga soddonka sanoba aan marna tashan ee dawlado shisheeye iyo sokeeyeeba lihi gacanta ku hayeen marka laga soo bilaabo shirkii Djibouti ee 1991 ilaa shirkii ugu dambeeyey ee muqdisho lagu qabtay ee lagu soo dhisay xukuumada caalamku garbaha hayo ee hada ku magacaaban jamhuuriyada federaalka somalia.

XAQIIQADA MAANTA TAAGAN IYO XALKA SOMALILAND IYO SOMALIA

Kaalinta Somaliland iyo qiimaha dawladnimadeedu u leedahay aduunka.

1- Somaliland waxa ay soddon sanadood kaalin muhiima ah kaga jirtay nabadgalyada,  horumarka iyo xasiloonida gobolka iyo gobolada la jaarka ah.

2- Waxa ay soddon sanadood maamulaysay dalkeeda guud ahaan xuduudihiisana 97% ku sugtay nidaamka dawladnimo iyo kala dambayneed iyada oo ay ku haeeeraysan tahay halis badan iyo cadawyo dawladnimada iyo nolosha dadka khatar ku ahi.

3- Somaliland waxa ay xuduud la leedahay wadamada Ethiopia, Djibouti, Somalia iyo marin biyoodka bada cas ee Gacanka Cadmeed oo intaasiba soddonkaa sanadood ahaa nabadgalyo ay tacab Somaliland galisay iyada oo ay hareereheega ka jiraan dawlad la’aan , argagixiso,  budhcad badeed iwm oo laga suurtagalin kariwaayey dawladnimo mudadaasiba.

4- Somaliland waxa ay ku taalaa meel aad u muhiim ah oo hadii ay dawlad la’aani jiri lahayd ay dunidu kala xidhmi lahayd xaga bada cas , oo uu dab sudhmi lahaa dawladaha jaararka la ah taasi oo sababi lahayd in Geeska Africa iyo Gacanka cadmeedba ay noqdaan fawdo , hoy colaado iyo argagixiso.

DANTA ADUUNKA SOMALILAND IN LA AQOONSADO UGU JIRTA

1- Somaliland waxa ay ka baxaysaa go’doonka iyo culeyska xaga aduunka ka saarnaa soddon sanadood waxa aanay kaalin firfircoon ka qaadaneysaa oo xaga horumarka,  dimuqaradiyada,  dawladnimada , nabadgalyada iyo dhismaha Gobolka Geeska Africa iyo Badda cas .

2- Somaliland waxa ay tahay cidda kaliya ee jamhuuriyada federalka Somalia wax la qaban karta isna garabsan karaan iyada oo cidwal oo kaleba uga faham fog ugana faro dhuudhuuban arimaha soomaalida .

3- Somaliland waxa ay tahay dalka kaliya ee nidaam dimuqaeadiyadeed oo xor ahi ka jiro marka aad u eegto Gobolka ay ku taallo waxaana ay hormood u noqonaysaa dawlad wanaag iyo dimuqarad ka hirgasha Gobolka Geeska Africa ee Go’doonka iyo dib u dhaca weyn ku jiray qarni badhkiisii ugu dambeeyey.

DANTA JAMACADA CARABTA UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND.

1- Dawladaha jamacada carabta waxa u soo kordhaya dal kale oo kaalin mug leh ka qaata arimaha carabta,  islaamka iyo horumarka.

2- Somaliland waxa ay ka qayb qaadaneysaa xasiloonida Gacanka cadmeed iyo ciidamada badacas loo sameynayo maadaama ay xuduud 1000km ku dhow la leedahay Somaliland Somaliland badda cas.

DANTA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO AFRICA  UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND

1- Geeska Africa oo in badan ka hadhsan ama ka dambeeya Qaarada Africa ayaa waxa ay u tahay Somaliland oo la aqoonsadaa albaab kale oo uu horumarku ka soo gallo iyo ku xidhnaanta aduunku Africa iyo Geeskaba halka maanta hal albaab oo cidhiidhi ah oo aan kuna filnayni jiro (Djibouti ).

2- Africa waxa ay aqoonsan tahay xuduudihii uu ka tagey isticmaarkii kaasi oo Somaliland u sahlaya in ay ka mid noqoto midowga africa isla markaana qayb weyn ka qaadato hawlaha horumarka,  nabadgalyada , isku socodka iyo hiigsiga qaarada oo dhan.

3- Geeska Africa iyo Africa waxa kale oo ay muhiim ugu tahay Somaliland maadaama gobolku uu xasilooni daro amni iyo mid siyaasadeed ay saashadeen oo ay Somaliland na ahayd meelaha ugu wanaagsan soddonkii sano ee ugu dambeeyey in ay kaalin ka wanaagsan oo ka xoog badan tii hore ay ka gasho xaga xasiloonida,  nabadgalyada , horumarka,  iwm.

DANTA UGU JIRTA SOMALIDA AQOONSIGA SOMALILAND

1- Somalida ku nool bariga Africa ama shantii soomaaliyeed hadii ay hirgali wayday oo aanay sharciyan iyo caqliyanba xiligan wax soo muuqda aheyn waxa haboon in midwaliba halkeega ku horumarto oo la iskaga warhayo la iskuna kaashado..

2- In dadka soomaaliyeed noqdaan dadka Gobolka iyo Qaaradaba ugu dalal badan maadaama oo ay leeyihiin shan dawladood taasi oo macno weyn iyo qiimo weynba u leh soomaalida guud ahaan.

3- In dalalka islaamka ah ee Gobolka Geeska Africa noqdaan qaar tarma oo aqlabiyad ah .

4- in la helo shan soomaaliyeed oo is jecel oo isku damqata marka la dhameeyo xanafaha iyo xafiiltanka siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia,  isla markaana la Isla cafiyo dhacdooyinkii iyo taariikhdii madoobayd we Somaliland iyo Somalia soo kala dhex martay.

5- in qabka iyo qoidhnimadii qofka soomaaliyeed ay soo noqoto oo aan dib loo arag soomaali is haysata gudaheega ee la helo soomaali is garabsata oo horumar isku kaashata.

6- In ay meesha ka baxaan danaha ay dawladaha shisheeye ku kala hororsanayaan soomaalida iyaga oo aan waxba u qabaneyn we midba mid uun lagu soofaynayo iyaga oo ka fushanaya hawlahooga.

7- In somalidu isku soo dhowaato oo is fahmi karto mustaqbalkooga dambe iyo qarniyada soo socda waxii la yeeli lahaa ama qaabkii loo noolaan lahaa uu aqoonsiga Somaliland dhagax dhig u noqdo,  oo bal aynu sameyno jidkii wanaaga iyo wadiiqooyinkii horumarka wax wada lahaanshaha iyo hadiiba mustaqbalka dambe dadkii gaadhaa ay midnimo ku hamiyayaan ama ay sidaa ahaanayaan.

COMMENTS
Latest News