Hangoolnews.com
Xasan Cali Kheyre: Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaare Khayre
July 26, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Khayre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Mursal ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisalwasaare cusub oo dalka u horseeda doorasho dadweyne.

“Sida uu faraya dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waa in mdaxweynuhu si deg deg ah u soo magacaabaa ra’iisal wasaare iyo xukumad waddankan gaarsiin karta doorasho qof iyo cod ah muddadii loogu talagalay”, ayuu yiri Mursal oo shir jaraa’id qabtay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal
Qoraalka sawirka,Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal

Xil gudasho la’aan

Guddoomiya Mursal ayaa ku eedeeyay xukumadda Kheyre inay ku guul dareystay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah. Qodobada uu Guddomiye Mursal sheegay inay xukumadda Khayre ka gaabisay waxaa ka mid ah:

  • Diyaarinta hanaan iyo qorshe cad oo lagu gaaraya doorasho qof iyo cod ah 2020/2021
  • Dhameystirka federaaleynta heerarka kala duwan
  • Go’aan ka qaadashada maqaamka caasimadda ka hor wakhtiga doorashada
  • Afti u qaadista iyo melemarinta dastuurka
  • Hirgelinta nidamka axsaabta siyaasadeed
  • Diyaarinta ciidmo amniga sugan heer federaal iyo dowlag goboleed ah doo sugo amniga doorashada
  • Diyaarinta qoondadii dahqaale ee lagu qabna lahaa doorashada oo ana lagu soo darin miisnaayidda 2020
Xubnaha baarlamaanka
Qoraalka sawirka,Xubnaha baarlamaanka

Sharci darro

Xildhibaano ka tirsan golaha wasiiradda oo joogay fadhiga barlamaanka ayaa diiday dooda kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyagoo ku tilmaamay go’aanka ridista xukuumadda mid ka timid gudoonka oo kaliya isla markaana aan sharciyad haysan.

“Waa maalin umada Soomaaliyeed mugdi u ah in guddooonka baarlamaanka uu si sharci darro ah udhaqmay. Waxaan laga rabaa inuu keneo caddeyn ah inay dood dhacday, eedeynta loo soo jeediyay xukumadda, xildhibaannada ay koodeen. Waxaas oo dhan ma dhicin, waana nasiib darro”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ah sidoo kale ah wasiirka amniga gudaha

COMMENTS
Latest News