Hangoolnews.com
Maraykanka Oo Amray In La Xidho Qunsuliyada CHINA Ku Leeyahay Magaalada Houston
July 23, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay inay siiyeen dowlada China 72 saacadood oo ay ku xidhaan Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay magaalada Houston ee gobalka Texas.

Faah faahin lagama bixin sababta Maraykanka tilaabadan u qaaday, wuxuuna go’aankan dab kusii shidayaa xidhiidhka labada dal ee bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayey.

Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay Houston ayaa kamid ah 5 qunsuliyadood oo uu dalkaasi ku leeyahay waddanka Maraykanka, waxaana la furay sannadkii 1979-kii.

Afhayeenka Dowlada China ayaa la yaab ku tilmaamay go’aankan deg degta ah ee la dul dhigay Qunsuliyadooda Houston, wuxuuna Maraykanka ugu baaqay inay ka noqdaan amarkan, haddii kale ay iyaguna qaadi doonaan tilaabooyin ay ugu jawaabayaan Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa isaguna 5 Qunsuliyadood ku leh dhulweynaha China, waxayna ku kala yaalaan magaalooyinka; Shanghai, Guangzhou, Chengdu, Wuhan iyo Shenyang.

Jaraa’idka ku hadla afka dowlada China ayaa saaka oo Khamiis ah qoraya in go’aanka Maraykanka uu Donald Trump uga danleeyahay inuu abuuro xiisad cusub oo uu kusii jeediyo indhaha shacabka Maraykanka, xilli ay soo dhawdahay doorashada Maraykanka.

Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday olole uu dowlada China ku eedeenayo cudurka Covid19 oo xiligan khasaaro badan ka geystay gudaha Maraykanka oo ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee cudurkan dilo. Sidoo kale Maraykanka iyo China ayaa isku khilaafay arrimaha raafka shiinaha uu ku wado Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang iyo xiisada ka taagan magaalada Hong Kong.

COMMENTS
Latest News