Hangoolnews.com
Khilaafka biyo-xidheenka: Itoobiya oo sheegtay inay gaadhay yoolkeedii sannadka koobaad
July 23, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews;- Itoobiya ayaa sheegtay in la gaadhay hiigsigii sannadka koobaad ee buuxinta harada biyo-xidheenka muranku ka taaganyahay ee ay ka dhisayso webiga Niil.

Arintan ayaa suurto gelin doonta in qaybta koobaad ee mishiinnada dhaliya korontada la tijaabiyo.

Arintan oo uu shaaciyey Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo baxaysa iyada oo Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodkii laga lahaa biyo-xidheenka ka dib markii ay kulan internet-ka ah oo maqal iyo muuqaal ah yeesheen.

Mashruucan ayaa ahaa xuddunta xiisad diblomaasiyadeed oo taagnayd tan iyo markii ay Itoobiya bilowday dhismahiisa sannadkii 2011.

Biyaha Niilka: Ma miino muddaysan oo mar uun geeska ku qarxi doontaa?

Itoobiya oo “fashilisay weerar” lagu qaaday biyo xireen

Itoobiya waxay u aragtaa mashruucan biyaha lagaga dhalinayo quwadda laydh tiriigga mid muhiim u ah koboca dhaqaalaheeda iyo goob muhiima oo tamar ay ka helayso.

Laakiin Masar iyo Sudan oo ah dalalka webigu ku dhaadhaco ayaa ka cabsi qaba in biyo-xidheenkan ku kacay 4 bilyan ee doolar uu yarayn doono biyaha gaadha.

Wadahadallo adkaa oo sannado socday ayaa lagu gaadhi waaweyey wax heshiis ah oo ku saabsan sida loo buuxinayo harada biyo-xidheenkaas iyo xaddiga biyaha ah ee uu sii daynayo.

Marka uu hawsha bilaabo biyo-xidheenkaasi waxa uu soo saari doonaa 6,000 Megawatt oo koronto ah, waxaanu sidaa ku noqonayaa biyo-xidheenka ugu weyn Afrika ee quwadda laydh tiriigga laga dhaliyo. Waxaana kooraan heli doona qiyaastii 65 milyan oo qof oo Itoobiyaan ah oo aan haatan haysan.

Muxuu sheegay ra’isal wasaaraha Itoobiya?

“Waxa haatan labadii todobaad ee ina dhaafay ee roobku da’ayey caddaatay in yoolkii sannadka koobaad ee buuxinta biyo-xidheenka la gaadhay oo haatan biyuhu kor u soo kaceen” ayuu yidhi Abiy.

Wasiirka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele, ayaa sheegay in arintaasi sahli doonto in qaybta koobaad ee mishiinnada dhaliya korontada la tijaabiyo.

Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya wabiga Niil awgii?

Maxaa loo fasiran karaa dhexdhexaadnimada Soomaaliya ee muranka Itoobiya iyo Masar?

Warbixintu may qeexin xaddiga biyaha ilaa haatan galay harada biyo-xidhgeenka laakiin Itoobiya waxay hore u sheegtay in yoolka sannadka koobaad yahay 4.9 bilyan oo mitir saddex jibbaaran, taas oo ah in ay biyuhu gaadhayaan halka ugu hoosaysa gidaarka biyo xidheenka.

Itoobiya waxay had iyo goor sheegaysay in ay biyaha ku weecin doonto biyo-xidheenka bisha July, halka Masar na ka doonaysay in ay arintaa dib u dhigto inta wadahadalladu socdaan.

Ilaa haatan ma cadda in Itoobiya qaaday talaabo dedejinaysa buuxinta harada biyo-xidheenka iyo in harada biyaha geliyeen roobabka da’ayaa toona.

Sudan ayaa hore u sheegtay in ay dareentay in xaddiga biyaha webiga Niil ee ka soo rogmada Itoobiya ay hoos u dhaceen.

.

Wada xaajoodyadii halkay ku dambeeyeen?

Heshiiska ah in wadahadalladii dib u bilaabmaan waxa lagu gaadhay kulan ay yeesheen Midowga Afrika oo uu gudoominayey madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Waxaana heshiiskaa la gaadhay ka dib markii kulamo hore oo uu dhexdhexaadinayey Midowga Afrika ay saddexda dal wax heshiis ah ku gaadhi waayeen.

Sannadkan horaantiisii ayaa Maraykanku isku dayey hase yeeshee isna sidoo kale wuu ku guul darraystay in xal la gaadho.

Warbixin ka soo baxday madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in wadaxaajoodyada mustaqablka yoolkoodu noqon doono “in la gaadho heshiis dabar sharci leh oo ku saabsan buuxinta harada iyo hawlaha biyo-xidheenka.”

COMMENTS
Latest News