Hangoolnews.com
Mashaariicdan hoose oo ay maalgelinayeen dawlada imaaraatku (UAE ) Waa wada faashil oo looma fulin sidii lagu heshiiyey .qalinkii A/rahman Fidhinle UK
June 11, 2020 - Written by Hangool News 1

Mashaariicdan hoose oo ay maalgelinayeen dawlada imaaraatku (UAE ) Waa wada faashil oo looma fulin sidii lagu heshiiyey .qalinkii A/rahman Fidhinle UKBaadhis iyo dabo gal mudo dheer qaatay ka dib,Waxaa loo sibir saaray in Mashaariicdan hoose eedawlada imaaraatigu(UAE) maalgeliyeenay ku wada fashilmeen gacantii dawladii Siilaanyo taas oo uu abaanduule ka ahaa Xafiiska dawlada Somaliland ku laheyd dalkaImaaraatiga waqtigii dawlada Siilaanyo. Qaar ka mid ah Mashaariicdan waxaa ilaa hada dul hoganaaya mad-madow faro badan, Musuq- Maasuq , iyo mashruuc ku macaashaan loo meel-dayin.
1- Mashuruucii Baaxada lahaa ee Biyo Xidheenka Weyn ee Xubo weyne ee(Waaheen ) Mashruucan waxa la bilaabay26/12/2015Waxaana uu dhamaan lahaa25/08/2016-Mashruucan oo fashilmay, fashilaadiisa waxaa iska baracday dawlada Muse Biixi waxaana fadeexadaa loo sibir saaray Dawaladii Siilaanyoiyo Wasiiradeedii.

2- Mashruucii Biyo gelinta Xunbo weyne (Pipeline) Mashruucani wuxuu ku fashilmay gacantii Dawladii Siilaanyo iyo dawlada UAEoo usoo wakiilatay hayada Khalifa Foundation.3- Mashaariic horumarineed oo yar yar oo iyanaisugu jira Xarumo Caafimaad (MCH), Dugsiyo Waxbarasho iyo Suuqyo la socda ayaa lagu heshiiyeyin la dhagax dhigo1/3/2016si ay mashaariicdaasi u dhamaadaan28/02/2017. Mashaariicdaasi waxaa loo qoondeeyey in ay ka fulaan magaalooyinka Borama, Hargeisa, Burco iyo Berbera lakiin waxay kuragaadeen gacantii markaa maamuleysay eeXukuumadii Siilaanyo.
4- Mashruuca dhismeyaasha Hospitaalada laga bineeyey magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeisa ayaaiyaguna qabyo wada noqday oo aan weli la dhameystirin.5- Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor ee la dhagax dhigay28/02/2019ayaamudadiiuu socotay oo ah15biloodlagu dhameeyey12-Kmoo keliyataa soo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaatooo ku beganMay 2021.Waxaa nasiibdaro ah in6-dii shirkadood ee dhismaha wadada waday lagu soo koobay shirkad keliya oo aan marna ku dhamaystireyn Wadadaas waqtigii loo cayimay.6- MashruucWaxbarashooo Scholarshipah ooay ku balan qaaday in aybixinayso dawlada imaaratigu UAE ayaan isna fulin. mashruucan oo ay aheyd in45arday ee ugu horeeya in aydawlada imaaraatigaUAEwaxbarasho u tagaan, taa soo lasyku raacay in uu bilaabmo taariikhda20/01/2016.Qaadista Ardeydanwaxaanaku fashilantay HaydaKhalifa Foundationiyo Xukumadii Siilaanyo ee markaa talada haysay qaar ahaan Wakiilkii Xafiiska Somaliland ee UAEWaqtigaas fadhiyey.
7- Mashruuca kor u qaadida aqoonta iimaanada masaajidada Somaliland oo laysku raacay in22iimaamloo qaado oo lagu tababaro dalkaUAE 17/01/20168-Mashruuca Tayenta aqooneed ee Wariyeyaasha idaacada Quraanka kariimka ka shaqeeya , Qalabeynta iyo dhismaha Idaacada Quraanka Kariimka oo lagu heshiiyeyinmashruucan lagu dhameystiro20/01/2016, Nasiib daro Labadan mashruuc midina ma fulin.
9- Mashruuca Dayactirka Wasaaradda Awqaafta oo lagu heshiiyey in19/06/2016lagu dhameystiro mashruucaasi isnauma fulinsidii loogu heshiiyey.10- Mashruuca Wersheda Hilibka ee Berbera oo loo qoondeeyey in la dhameystiro7/06/2016 –Mashruucan weliumuu dhamaan sidii loogu talo galay.
11- Mashruuca Berbera Free Zone ee ay bilaabi lahaayeen imaaraatigu dhamaadkii sanadkii hore10/12/2019isna weli wuu rafanayaa.12-Mashruucii horumarinta tamartaoo ku kacaayey lacag dhan $7 milliondoolar kaas ooay ka fulin lahaayeenmagaalada Berberaisna waxba kama soo naaso cada.13- Mashruucii Saldhiga fadhiisinkaciidamada ee Madaarka Berbera oo isga aan weli dhinacna loo dhaqaajin. Yaab !!
Dhamaan mashaariicdaas kor ku taxaniwaxay wada noqdeen”Aan ka fuudee Allow Fii haa“iyo qaar aan fulin iyo qaar noqday faashil lagu daneystay.
Gebagebo:Waxaa Xukuumada Somaliland loo soo jeedinayaa in aygudi dabo gal ah u saartodhamaan mashaariicda ay balan qaadeen dawlada imaaraatigu oo aan badankoodu u fulin sidii loogu talo galay. Mashaariicdanis wada taagtay qaarna noqdeen faashilkawaxaa markhaati u ah sida ay u sii kala fogaanayaan xidhiidhka ka dhaxeeya dawaladaimaaraatiga UAE iyo Somalilaan.. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan” Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa – Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso” !!

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
Latest News