Hangoolnews.com
Madaxweyne Biixi Oo Farriin Hawada U Mariyay Nin Aanu Magacaabin Oo Ku Lug Leh Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya
May 20, 2020 - Written by Hangool News 1

Madaxweyne Biixi Oo Farriin Hawada U Mariyay Nin Aanu Magacaabin Oo Ku Lug Leh Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu khudbad u jeediyay shacabka Somaliland munaasibadda maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Madaxweyne Biixi, ayaa xaflad kooban oo lagu qabtay shalay madaxtooyada, wuxuu kaga hadlay xaaladaha maanta ee somaliland ee caafimaad, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni. Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-kii May, Kuna beegan 25-kii Rammadaan, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa in uu danbigeena dhaafo, inna-siiyana khayrka ay bishan barakaysani gaarka u leedahay, dalkeenuna uu noqdo mid barwaaqo, nabad-qab iyo caafimaad taam ah wada gaadho.

Sidoo kale waxaan Ilaahay ka baryayaainuu Caalamka oo dhan ka dulqaado dhibaatada xanuunka Coronavirus, oo malaayiin qof haleelay dunida oo dhan, boqolaal kun oo kalena ay u geeriyoodeen.

Hambalyo iyo Bogaadin

Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaadhammaan shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale waxa aan hambalyo gaar ah u dirayaa Ciidammada Qalabka-sida ee kala duwan, kuwaasi oo ah seeska iyo tiirarka Qarankani ku taagan yahay.

Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaadhammaan

Golayaasha kala duwan ee Qaranka

Duqayda

Wax-garadka

Culimada

Ganacsatada

Iyo Madax-dhaqameedkainta 18-

Mudanayaal iyo Marwooyin;

18-ka May waa maalintiiaynu xaqiijinay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa maalintii innaga oo isu-dhan,oo aan cidi innaga maqnayn, gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibbada u taagno Qarankeena Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa maalintii aynu ka soo kabanaywixii dhib inna soo maray, oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusub iyo dhismaha Dawladeed ee aynu ku nagi nahay maanta. Qarannimada Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer tan iyo maalintii uu yimi Isticmaarku, halgankaas oo soo maray marxalado kala duwan dhiig badanina ku daatay, nafo iyo maal badanna loo huray oo uu ugu danbeeyey halgankii SNM.

Waxaan leeyahay geesiyada noolee u soo halgamay dalkan, kuwii u naafoobay, kuwii xoolahoodii galiyey iyo kuwii maskaxdooda iyo muruqoodaba galiyey ee ku kala nool daafaha dunida tacabkiinii wuu midho dhalay oo waxaynu dhisnay Qaran Madax-bannaan oo cidna innaga caawin Alle mooyee. Kuwa naftooda ku waayeyna Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

In kasta oo aynaan wali gaadhin halkii aynu hiigsanaynay,oo wax innaga dhiman yihiin, haddana 29-ka sannadood ee maanta dalkeenu jiray, waxaynu ku tallaabsanay horumar ballaadhan oo aan ka yarayn ka ay gaadheen wadamo la aqoonsan yahay.

Waxaynu maanta Xusaynaa 29 sannadoodoo wada jir, wax-wada-qabsi, dib-u-dhis, dimuqraadiyad, isku tanaasul iyo kala dambayn ah. Marxalad kasta waxa aynu kaga soo gudubnay innaga oo gacmaha is-haysan-na, waana arrin Caalamku innagu majeerto, lagana baran karo casharo ku saabsan guulaha ay gaadhaan dadka isku tashada ee isku tiirsada.

Dalkanwaxa dhidibbada loogu taagay go’aankiika soo baxay Shirweynihii Magaalada Burco 18-kii May 1991-kii, waxaana lagu ansixiyey afti dadweyne oo Shacabka Somaliland ugu codeeyeen Dastuurka iyo Madax-bannaanida Somaliland97%. Sidaa darteed, Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku qotontaa Dastuur iyo Afti Dadweyne, cid awood u leh in ay beddeshana ma jirto.

Bulaankaiyo sawaxanka siyaasadeedee ku saabsan wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sooamaliya ee laga wado war-baahintu waxa ay muujinaysaa bisayl la’aan siyaasadeed iyo waayo-aragnimo la’aanta wixii la soo maray iyo dhibta gaadhay Shacabka Somaliland. Waxaan leenahay Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland way ka mug weyn tahay, kana miisaan culus tahay intaa, ninka aan sidaa u dhuganna meelna kama soo gali karo arrintayada.uunka Coronavirus

Walaalayaal,waa in aan Ilaahay ugu mahad-naqnaa, salaatu shukrina tukannaa, sida uu aafadaasi innooga khafiifiyey illaa hadda. Sida la isku raacay, xanuunkan Coronavirus waa mid aan daawo lahayn, balse laga hor tagi karo si aanu bulshadeena ugu dhex faafin. Si aynu uga samata baxno, waxa aannu xukuumad ahaan xoogga saarnay bilowgiiba ka hortagga, intii aan xanuunku dalkeena soo gaadhin.

Dawladaha Caalamka kuwa xakameeyeyxawliga faafista xanuunku waa kuwa dhakhso u bilaabey ka hortagga iyo wacyigelinta. Somaliland iyada oo ku tashaneysa taagteeda, dawladdeeda iyo dadkeeda waxa ay bilowgiiba qaaddey tallaabooyin muhiim ah oo lagaga hor-tagayo xanuunkan laguna yareynayo saameyntiisa, waxaanay keentay natiijo wanaagsan oo ah in xawliga faafista xanuunka hoos loo dhigo:

Waxa la aasaasay Guddida Ka-hor-taga Caabuqa Coronavirus ee keena xanuunka COVID-19. Guddiyadaas oo isugu jira Heer Qaran, Heer Gobol iyo Heer Degmo.

Waxa la xidhay dhammaan goobihii waxbarashada, si loo yareeyo isku imaatinka Ardayda.

Waxa si ku meel-gaad ah loo xidhay xuduudaha dalka, marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee bulshadu u baahan tahay.

Waxa heegan la geliyey Ciidammada Qalabka-sida, si haddii loo baahdo ay uga hawl-galaan taakulaynta shacabkooda.

Waxa 14 cisho oo karantiin ah lagu soo rogay dhammaan dadka socdaalka ku imanaya dalka, kana soo gudbaya xuduudaha, si loo hubiyo caafimaadkooda inta aan loo ogolaan inay dhex-galaan bulshada.

Dawladdu waxay qiimo dhimis cashuureed oo dhan 20% ku samaysay cashuurta soo dajinta ee raashinka bisha Rammadaan.

Dawladdu waxay cashuur dhaaf u samaysay dhammaan agabka caafimaad ee ka-hortagga iyo la-dagaalanka xanuunka COVID-19.

Dawladdu waxa ay abuurtay Sanduuqa La-dagaalanka Xanuunka COVID-19, waxaanay ku shubtay 3 Milyan oo Doollar.

Dawladdu waxa ay abuurtay Sanduuqa Miskiin-kalkaal oo lagu uruurinayo qaadhaan lagu taakuleeyo Dan-yarta uu noloshooda saameeyey xanuunka COVID-19, waxaanay Dawladdu ku shubtay Sanduuqaasi $1 Milyan oo Doollar.

Dawladdu waxa ay furtay Sanduuq loogu talo-galay in lagu taakuleeyo ganacsatadda yar-yar ee uu saameeyey COVID-19, waxaanay Dawladdu ugu deeqday Sanduuqaasi $1 Milyan oo doollar.

Difaaca Qaranka iyo nabad-gelyada dalkawaxa sal-dhig u ah Ciidammada Qalabka-sida ee Somaliland. Caalamka dal waliba waxa uu haybad iyo tix-gelin ku leeyahay hadba awoodiisa ciidan iyo cududdiisa dhaqaale inta ay leeg tahay.

Dalka Somaliland malaha maanta dhaqaale buuranbalse waxa uu leeyahay shacab dhammaantii, caruur iyo cirroole, rag iyo dumar, sheekh iyo shariif, u darban Difaaca Qarannimadooda iyo adkaynt amnigooda. Kalsoonida Shacabka iyo niyaddooda birta ah ayaa ka xoog weyn tiknoolajiyadda casriga ah iyo qalab la adeegsado. Qalab kasta oo casriya iyo hub kasta oo ciidan leeyahay waxa sameeyey oo haga caqliga qof bini-aadam ah. Taasi waxa ay inna tusaysaa in rabitaanka ummadu ka xoog weyn yahay hubka iyo qalabka. Dalalka Vietnam iyo South Afrika ayaa tusaale innoogu filan.

Ciidammada Somaliland ee kala duwanwaxa ay leeyihiin mooral adag, tababar aad u sarreeya iyo qalab ay kaga hortagi karaan cadaawe kasta oo soo hungureeya Somaliland. Ciidammada Qalabka-sida ee Somaliland waxa ay u carbisan yihiin in ay ilaaliyaan Qarannimada Somaliland guddo iyo dibadba, uma diyaar aha in ay dalna ku xad-gudbaan ama cid ku gar-daroodaan. Waana siyaasadda iyo dastuurka Somaliland.

Waxa la xoojiyey tayaynta Ciidammadaee dhinaca qalabka, tababarka, mooralka iyo cududdooda ciidan.

Waxa markii ugu horaysay tababar Layli Sarkaaldalka gudihiisa ku qaadanaya Saraakiil Ciidan, oo ay ku jiraan hablo geesiyaal ah.

Waxa 69% hoos loo dhigay dambiyadalaga gaysto magaalooyinka waaweyn, iyada oo la fulinayo Qorshaha Amniga Qaranka ee heer Gobol iyo heer Degmo.

Waxa iskaashi amni lala sameeyeydalalka dariska ah, waxaana hoos loo dhigay dambiyada iskaga gudba xadadka.

Waxa la dhammaystiraydhismaha Cisbitaal casri ah oo cusub oo Ciidanka Qalabka-sida siin doona adeeg caafimaad oo hufan.

Cadowga Jamhuuriyadda Somalilandwaa uu badan yahay, cadaw-geennana waynu ka adag-nahay, 29-ka sanno ee Somaliland jirtayna waynu ka gacan saraynay sir iyo caadba. Waxa mahaddaas oo dhan iska leh Shacabka Somaliland oo si dhab ah u ilaashada

Qarankooda.Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa tiirka-dhexaadka horumarka iyo dalka. Xukuumadani JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:

Miisaaniyadda sannadka 2020 waxa ay ka badantahay miisaaniyadda sannadkii 2019-ka 15%. Waxa ay sidoo kale miisaaniyaddii 2017-kii ka badan tahay 26%. Waxase la hubaa in saamaynta dhaqaale ee Xanuunka COVID-19 ay hoos u dhigi doonto dakhligii soo xeroon lahaa.

Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2020-kaqorshaysan in laga maal-geliyo mashaariic qiimahoodu gaadhayo171,563,089,428 SL.Shilling. Waa Miisaaniyad Horumarineed oo 51% ka badan Miisaaniyaddii Mashaariicdii 2019-kii. Balse fulinta mashaariicdani waxa ay ku xidhnaan doontaa riiqda xanuunka COVID-19, qayb ahaana waa la hakiyey mashaariicdaasi hadda.

Waxa Sicir Bararka la gaadhsiiyey 4%,iyada oo hoos looga soo dhigay 19% sannadaha 2019-ka iyo 2020-ka, iyada oo isla markaana qiimaha Shillinka Somaliland kor loo qaaday21%.

Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somalilandwaa dhaqaale ku taagan tiir kaliya. In badan ayaynu ku soo meel gaadhnay dakhliga ka soo xerooda Kastammada, oo ay ugu xoog badan yihiin Kastammada Kalabaydh iyo Berbera. Waxa la gaadhay wakhtigii la hawl-gelin lahaa ilaha dakhli ee kale iyo cashuuraha sharcigu waajibiyey, si adeegyada bulshada loo horumariyo. Dhaqaalaheena waxa culays ku hayashaqaaqooyin iyo dagaalo beelaysan oo soo noq-noqda, dhiig bandanna ku daatay, hanti bandanna ku luntay, waxa la isku dilayaana ay tahay dhulkii Ilaahay kuwada uumay. Dhulkeenu waa innagu filan yahay, waa innaga badan yahay, haddana waxa innagaga dhintay boqolaal muwaadin labadii sanno ee ugu dambeeyey, waxaanay ka tageen riiq iskugu jirta dhaawac iyo baro-kac.

Colaadaha beelaysan ee soo noq-noqda iyo khilaafaadkabeelaha ee ka dhasha waxaan sakaaro ka biirsan, waxa ay Qaranka ku joogaan qiime iyo khasaare aad u sarreeya, waxaanay labadii sanno ee ugu dambeeyey xallintoodu ugu fadhidaa Qaranka qiime lacageed oo gaadhaya$9 Milyanoo Doollar. Waa lacag ku filan in ay innoo dhisto dugsiyo, cisbitaal casri ah iyo waddooyin intaba.

Waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu waxay qayb weyn ka qaataan horumarka dalka:

59% ayaa la dhammaystiray Wejigii Koowaadee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ka kooban 400 Mitir.

Waxa la dhisay 16%ka mid ah Marinka Dhaqaaleee Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Ethiopia.

Waxa bisha June 2020 la bilaabi doonaa,haddii xanuunka COVID-19 saamaxo, dhismaha waddada Bye-pass Hargeysa oo dhererkeedu yahay 22.5 KM.

Waddada Burco–Ceerigaabo waxa la dhisay 117 Kmintii Xukuumaddani xilka haysay, waxaana hore u dhisnaa 94 Km, waxa dhiman 63 Km oo kaliya, waxaana qorshaysan in sannadkan gudihiisa la dhammaystiro.

Waxa la dhisay 50 Km oo ka mid ahwaddada isku xidha Hargeysa -Kalabaydh.

Waxa la dhammaystiray Dhismaha Biriishka Qoor-gaabee isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud.

Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey jidkaisku xidha Laascaanood, Tuula-Samakaab iyo Adhi-caddeeye.

Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey Biriishkalabaadee magaalada Burco oo roobabku khasaare gaadhsiiyeen.

Caafimaadka:

Waxa si rasmi ah xarumaha caafimaadka dawliga ahlooga shaqaalaysiiyey 512 xirfadlayaal caafimaad ah oo kala jooga Gobollada Dalka.

Waxa tababaro aqoon korodhsi ah la siiyey 3,100Xirfadlayaal Caafimaad ah, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee ay bulshada JSL helaan.

Waxa cudurada faafa laga tallaalay caruurtiradoodu gaadhayso 1.4 Milyan caruur ah oo da’doodu ka hoosayso shan jir, sannadkan iyo sannadkii hore.

Waxa markii ugu horaysay 10 caruur ahloogu sameeyo qaliin dhinaca wadnaha ah magaalada Hargeysa. Adeegaas oo dhammaantii Xukuumaddu kafaalo qaaday kharashkiisa.

Waxa la hirgaliyey 25 xarumo caafimaadoo cusub oo bixin doona adeegyo caafimaad.

Waxbarashada:

Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada waxbarashda ee dalka kastaa leeyahay, sidaa darteed:

Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo dirayarday gaadhaysa 450 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada Dalka, iyaga oo lagu xulay sida ay u kala sareeyaan dhibcaha imtixaamaadka shahaadiga ah.

Waxa 1 milyan oo buugaagta Manhajkawaxbarashada loo qaybiyey ardayda Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Dalka.

Waxa la shaqaalaysiiyey 400 oo macallin oo cusub, si loo kordhiyo fiditaanka adeega waxbarashada Dalka.rsoorka

Garsoorku waa tiir dhexaadka Dawladnimada iyo maamul-wanaaga. Horumarinta Garsoorku waxa ay taageeraysaa nabad-gelyada, fulinta sharciga iyo horumarinta maamulka.

Waxa 85% la dhammaystiray faylashiidacwadaha ku soo xerooday Maxkamaha dalka sannadkii 2019-ka.

Waxa la ballaadhiyey Nidaamka Garsoorkaee Gobollada iyo Degmooyinka, waxaana labadii sanno ee ugu dambeeyey Nidaamka Garsoorka la gaadhsiiyey 24 Degmo oo cusub.

Waxa la ballaadhiyey Nidaamka Maxkamadda Guur-guurta (Mobile Court)si dadka loo gaadhsiiyo garsoor hufan, dacwadahana loo dadajiyo.

Waxa 50% kor loo qaaday daryeelka noloshaiyo gunnooyinka Garsoorayaasha Maxkamadaha, walina lama gaadhin halkii la hiigsanayey.

Waxa hoos u dhac ballaadhan ku yimi dacwadihiidhulka kadib markii ay iskaashadeen Maxkamadaha, Ciidanka Booliska, Dawladaha Hoose iyo shacabka Somaliland.

Waxa kor u kacay 35% dakhliga ay soo xereeyaanMaxkamaha dalku maadaama kor uu u kacay kalsoonida shacabku ku qabo nidaamka Garsoorka dalka.

Mahad-naq ballaadhan ayaan u jeedinayaa Bahda iyo Hay’adda Garsoorka dalka oo sameeyey dadaal iyo naf hurid badan,

Waxa Barnaamijka Shaqo Qaranillaa hadda ka baxay laba dufcadood, kuwaasi oo soo saaray arday tiradoodu dhan tahay2,500 oo arday.

Waxa ay xukuumaddu ay shaqo-gelisaydhammaan ardaydii Barnaamijka Shaqo Qaran ee Dufcaddii Koowaad oo tiradoodu dhan tahay1,500 Arday.

Somaliland waxa aysii xoojinaysaaxidhiidhka wanaagsan ee ay la lahayd dawladaha jaarka iyo kuwa kale ee caalamkaba. Xidhiidhkaasi waxa uu mar kasta ku salaysnaanayaa wax-wada-qabsiga, jaar wanaag iyo is qadarinta Qarammada iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee la wadaagi karo.

Wadammada Beesha Caalamkawaxaanu ugu baaqayaa in ay tix-geliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay xaqa u leeyihiin.

Jamhuuriyadda Somalilandwaxa ay soo dhawaynaysaa gar-gaar kasta iyo deeq kasta oo beesha Caalamku ku caawinayso Jamhuuriyadda Somaliland. Balse marna aqbali mayso gar-gaar iyo deeq kasta oo la soo mariyo Soomaaliya, oo ay mar wax wada lahaan jireen Somaliland, balse ay hadda yihiin laba dal oo kala madax-bannaan. Gar-gaarkaa iyo deeqdaasina waxaanu u aragnaa mid la siyaasadeeyey oo aan ku iman niyad wanaagsan.

Xukuumadda Somalilandwaxa ay uga digaysaa Hay’addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Qaramada Midoobay in ay gar-gaarka Beesha Caalamku ugu talo-gashay Somaliland isku dayaan in ay soo mariyaan Soomaaliya. Waxa ka yaalla Sharci, waxaanay meel ka dhac ku tahay Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Iyada oo go’aankiiShacbiga Jamhuuriyadda Somalilandee Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay lama-taabtaan, sida ku cad Dastuurka, haddana casrigan aynu maanta joogno, ilbaxnimada adduunka iyo caqliga fayoobiba waxa ay isku raacsan yihiin in wixii khilaafaad ah ee yimaada lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga maarmo dhiig daata iyo colaad hor leh oo riiqdeeda lagu rafaado. Nuxurka khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyaa waxa weeye:

In indhaha laga laliyo xaqiiqada ah inSomaliland iyo Somaaliya ahaayeen laba dal oo ku midoobay si ikhtiyaari ah 1960. Nuxurka midnimadaasina waxa ay ahayn in ay bud-dhig u noqoto midnimada Shanta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Geeska Afrika.

30 sannadood ayey Somaliland iyo Soomaaliyaku mideysnaayeen dawladdihii “Somali Republic – 1960 – 1969” iyo ‘Somali Democratic Repuclic – 1969 – 1991’, dhaxalka midnimadaasina lama mahadin. Dawladaasi lagu midoobey dhex-deedana dagaal ayaa ka socday, deriskana dagaalo lagu hoobtay ayaa lagu qaaday. Talo-xumadaasina waxa ay keentey in Dawladdii lagu midoobey dunto 1991-kiina, labadii Dawladood ee ku midoobey Dawladdii duntayna ay ku kala noqdaan halkoodii iyo Xuduudihii ay ka dhaxleen Isticmaarkii gumaysan jiray, sida uu dhigayo Axdi Qarameedka Midowga Afrika (AU Charter).

Halkii ay ahayd in la isku ixtiraamo Qarannimadaasilala kala noqday, lana is ictiraafo, dhex-deenana laga doono garawshiiyo iyo bogsiinta wixii dhacay, Dawladihii Soomaaliya iskaga dambeeyey 1991-kii illaa maantu waxa ay qaateen waddo khaldan oo ah dagaal iyo colaad cusub oo hor leh. Waxaase aan xusuusinayaa in Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay Muqaddas iyo lama-taabtaan, wax kasta oo ay nagu kalifayso.

Markay arrintu sidaa tahay,jiritaanka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somalilandna tahay muqadas, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku wada-hadli karaan oo kaliya laba khiyaar mid uun:

Wada-hadal Caalami ah, oo raacaya Nidaamka Wada-hadallada Caalamiga ah, oo ay goob-joog ka ahaadaan Dawlado iyo Hay’ado Caalami ah, laguna qabto fagaare Caalami ah iyo goob dhex-dhexaad ah, Natiijada ka soo baxda wada-hadalladaasina ay noqdaan sharci ay ilaaliso Bulshada Caalamku.

In arrinta Somaliland iyo Soomaaliya sharciga la mariyo (arbiteration/legal court) halkaasi ay ku kala baxaan.

Jamhuuriyadda Somaliland waa u diyaar labadaa khiyaar midba,kalsoonina wey ku qabtaa in Somaliland haysato sharciyaddii dawladnimadeeda. Somaliland wey buuxisay shuruucdii madax-bannaanida ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa. Waxa kale oo ay Somaliland buuxisay sharciga ku cad xeerka Ururka Afrika (AU Charter) ee qeexaya in ay ictiraafsan yihiin xuduudihii isticmaarku dalkasta kaga tegey.

Gunnaanad:

Somaliland guul, Shacabka Somaliland ee u dhabar adaygay duruuf kasta waxaan leeyahay guulaysta, hayaanku waa wali, guushuna waa dhaw-dahay.

COMMENTS
Latest News