Hangoolnews.com
Wiilka Madaxweynaha Rwanda oo xil sare loo magacaabay
May 19, 2020 - Written by Hangool News 1

Wiilka madaxweynaha Rwanda oo xil sare loo magacaabay

Wiilka madaxweynaha dalka Rwanda Ivan Kagame, ayaa loo magacaabay xubin sare oo ka tirsan guddiga hormarinta ee dalkaas, waxaa magacaabista looga dhawaaqay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Waa markii ugu horreysay ee wiil uu dhalay madaxweyne Kagame xil sare loo magacaabo.

Ivan Kagame, oo ay da’diisu tahay 30 sano jir, ayaa heerka labaad ee jaamacadda ku gaaray jaamacad ku taala dalka Maraykanka.

Ivan Kagame oo ah wiilka ugu weyn wiilasha maaxaweynaha ayaanan badanaa lagu arkin siyaasadda, warbaahinta iyo baraha bulshada.

Dowladda Rwanada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraadihii dalka saarnaa, halka iskuulada, maqaayadaha iyo xarumaha lagu cibaadaysto ay weli sii xirnaan doonan.

Bandawga habeenkii ayaa wuxuu bilaaban doonaa sagaalka ama saddexda fiidnimo Saacadda geeska Afrika.

COMMENTS
Latest News