Hangoolnews.com
Xeer Ilaalinta Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dadka La Qisaasay
January 15, 2020 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xafiiska Xeer-ilaaaliyaha guud ee qaranka somaliland ayaa war ka soo saaray lix maxbuus oo qisaas dileed lagu fuliyay maanta deegaanka Madheera ee gobolka saaxil kuwaas oo dil hore gaystay sidda uu Xeer-ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan sheegay

Halkan ka Akhri qoraalka:-

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

#Goobta_Qisaasta
Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

COMMENTS
Latest News