Hangoolnews.com
Akhri:- Tababar Faa,idooyin Badan Ku Duugan Yihiin Oo Loo Soo Gaba-Gabeeyay Ciidanka Asluubta Somaliland Iyo Af-Hayeenkooda Oo Ka Waramay
December 8, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:-  Af-hayeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Gaashaanle Khaalid Sheekh Nuuriye ayaa ka waramay tababar socday muddo sanad ah oo loo soo gabagabeeyay Ciidanka Asluubta somaliland maanta.

Tababarkan ayaa sidda uu sheegay Af-hayeenka Ciidanka Asluubtu Gaashaanle Khaalid Sheekh Nuuriye, ay ku barteen qaybo kala duwan oo iskugu jira Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Maxaabiista iyo qaabka loo dhaqan celiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin

Xuquuqda Maxaabiista

Heshiisyada Caalamiga

Baadhista Xabsiyada Noocyadooda Kala Duwan

Nidaamka Loo Xisaabiyo Maxaabista Xukuman Xidhigooda

Dhaqan Celinta Maxaabiista Muddada Ay Xidhan Yihiin

U Abuurida Xirfado Kala Duwan Oo Ay Hadhow Ku Shaqaystaan

Xaabka Jidh aan Loo Siiyo Jimicsida Jidhku U Baahan Yahay Muddada Ay Xidhan Yihiin

Kor u qaadida aqoontooda Diineed iyo tan Maadiba

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Khaalid Sheekh Xuseen “Nuuriye” ayaa sheegay in Taliyaha guud ee Ciidanka, Taliye xigeenka iyo Hogaanada Ciidanka ay dadaal dheer ugu jiraan siddii loo tababari lahaa ciidan u carbisan aqoonta casriga ah ee maanta lagu dhaqo maxaabiista caalamka,

Tababarkan oo socday muddo sanad ah ayaa waxaa soo gabagabeeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaraddda Caddaalada Mudane Mustafe Mohamuud Ali Bile iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Sareeye-guuto Cabdiraxmaan Faarax Liibaan “Fooxle” ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta somaliland

Dhinaca waxaa iyaguna faa,iidada tababarkani leeyahay ka hadlay Hogaanka Ciidanka Asluubta Gaashaanle-sarre Saleebaan Macalin Yuusuf iyo Hogaanka Tababarada Ciidanka Asluubta Gaashaanle-sarre Siciid Yuusuf Calmi,

Geesta kale Hayadda Un,O, D, C ee Qaramadda Midoobay oo tababarkan bixinaysay ayaa Shahaadooyin gudoonsiisay Saraakiisha iyo dablayda aqoontan baratay.

Tababarkan ayaa lagu soo gabagabeeyay Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News