Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayne Haddii Arab Is-Dilo Wasiirkaaga Diinta Iyo Aw-qaafta Ayaa Ka Masuula, Ogow-Na Dhulkaasi Qalax Dad Baa Leh” Baaq
November 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Dadka iska leh dhulka dan-ta guud laga jarayo ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa ee Qalax ayaa baaq u diray Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaanay yidheehdeen “Madaxwayne haddii Arab is-dilo waxaa isku dilay oo kala fogeeyay wasiirkaaga diinta iyo aw-qaafta oo la saftay cid gaara oo markii hore-ba dhulkaasi ku haysatay dadkii lahaa”

Dadka Cabashada xooggan ka muujiyayd Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland ninka la yidhaado Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa baaqooda ku sheegay in aan marna-ba suurto gal noqonaynin in dhul dad leeyahiin la siiyo cid gaara.

Dhinaca kale waxaa ay Madaxwaynaha ka codsadeen kana dalbadeen in uu ka qabto wasiirkaasi oo si toosa cid gaara oo aan dhulkaasi lahayn u la saftay.

Dad leh dhulkaasi Qalax ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa ayaa hadalkooda ku soo gaba-gabeeyay Madaxwayne Diinta u heeli Arab-na maanta haddii xabadi ka dhex dhacdo ogow wasiirkaaga diinta iyo aw-qaafta ayaa isku dilayee”

Maalmahii ugu dambeeyay ayaa muran xooggan oo dhuleed ka taagnaa deegaankaasi Qalax ee dulkeedka koofureed ee magaalada Hargaysa.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News