Hangoolnews.com
November 10, 2019 - Written by Hangool News 1

Itoobiya waxay dhiseysaa biyo xidheen weyn, kaas oo marka la dhammaystiro sannadka soo socda noqon doono warshadda korontada ee ugu weyn Afrika.

Dhismihiisu wuxuu sannadkii 2011-kii ka bilowdey isha Blue Nile ee ku taal dhulalka sare ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo 85% biyaha wabiga Niil ay ku qulqulayaan.

Si kastaba ha noqotee, biyo xireenka mega wuxuu sababay isku dhac u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, iyadoo Suudaana ay saameysay arrintan. Haatanna Mareykanka ayaa gacan ka geysanaya dhexdhexaadinta labada dal.

Muxuu is marin waagaan u dhammaan la’yahay?

Xarunta dhexe ee muranku ka taagan yahay ayaa ah qorsheyaal lagu doonayo in lagu buuxiyo biyo-xidheenka iyada oo Masar ka cabsi qabto in mashruucan uu Itoobiya oggolaado inay xakamayso qulqulka wabiga ugu dheer Afrika.

Warshadda korontada biyo ma isticmaaleyso balse xawaaraha ay Itoobiyo ku buuxinayso biyo xireenka ayaa waxay saameyn ku yeelan doontaa qululka biyaha webiga Niil.

Itoobiya ayaa waxay doonaysaa inay mashruucaan ku dhameyso muddo lix sannadood ah halka Masarna ay doneyso im mashruuca lagu dhameeyo muddo toban sanadood ah sababtoo haddii muddada mashruuca ay dheeraato waxaa yaraanaya saameynta uu ku yeelanayo qulqulka webiga Niil.

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan mashruuca biyo-xireenka ayaanan wax horumar ah laga gaarin muddo afar sano ah iyadoo Mareykanka uu haatan isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo

Walaaca Masar wuxuu yahay in Itoobiya ay yeelato awood ay ku yareyneyso biyaha wobiga oo dalal badan ay ku tiirsan yihiin, ka dib marka ay dhamestirto mashruuca biyo xireenka.

Biyo xireenka waxaa laga dhisayaa meel u dhow xadka Itoobiya iyo Sudan meel aan ka fogeyn. Itoobiya waxaa u qorsheysan in korontada laga dhaliyo halkaas ay ka raqiisnaato midda kale.

Dowladda Masar wuxuu walbahaarka ku sii siyaaday ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in sida uu biyo xireenka uu ku socdo ay Masar ku keeni karto in ay soo wajahdo biyo yari, sannadka 2025.

“Wabiga Nile waa noolasha shacabka reer Masar, waxaana kuu sheegi karaa in arritan biyo xireenka ay aad uga walaacsan yihiin,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in khatar walba oo la xiriirta biyaha loo aqoonsanayo “halis soo wajahdo madaxbanaanida dhuleed ee dalkaas”.

Sidoo kale, dalalka Sudan iyo Masar ayuu u dhexeeyaa khilaaf wayn oo la xiriira isticmaalka biyaha wobiga. Waxaa suuragal ah in isticmaalka Sudan oo kordho ka dib marka la dhameystiro biyo xireenka Itoobiya, sida ay dowladda Masar sheegtay.

Dad qaar waxay aaminsan yihiin in dowladda Masar aysan jirin waxkale oo u bannaan oo aan ka ahayn inay qaado tallaabo milateri oo xaaladda uga sii dari karto, waana taas sababta ay labada dal u doorbideen in arrintan lagu dhameeyo qaab diblomaasi.

COMMENTS
Latest News