Hangoolnews.com
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Qorsheynta oo xilkii wareejiyay kana waramay waxqabadkiiisii
July 1, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangool-News:-Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Oo Mashaasi hadal ka jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii Waxa aan maanta si rasmi ah u wareejiyay Masuuliyadii Agaasime Guud nimo ee aan Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka ka hayay. Muddo hal Sanno & Afar bilood oo ayaamo dahab ah oo aan la qaatay akhyaar dahab ah ayay ahaayeen. Intani waa qayb ka mid ah waxyaabihii aan sida wadajirka ah uga qabanay WQ&HQ muddadii aan joog

Waxyaabaha qabsoomay;

  1. Waxa Mudnaan La kala siiyay Hiigsiyada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad (NDP II Prioritization) – Ka eeg lingaxan buuggaagta 9 ka ah ee la diyaariyay; https://slministryofplanning.org/index.php/10-quick-downloads/14-plans
  2. Waxa aan soo saarnay Warbixinta Qiimeynta Waxyaabaha laga qabtay QHQ ee 2aad (NDP II Progress Report) si loo cabiro inta aynu u jirno hanashada hiigsiyadii dalka u yaalay – Dhawaan la daabaci doonno.
  3. Waxa dib loo dar-dar galiyay Kulamada u dhexeeyaha Qaadhaan Bixiyayaasha, hay’adaha dawladda, kuwa caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay si loo xoojiyo xog is waydaarsiga ku wajahan waxqabadka Qorshaha Horumarinta Qaranka (Coordination Meetings).
    1. Kulanka Dawladda & Hay’addaha Caalamiga ah
    1. Kulanka Hay’ada aan dawliga ahayn ee Islaamiga ah
    1. Kulamada Wadaagayaasha kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka oo si habsami leh u qabsooma.
    1. Kulamada Madaxda kala duwan ee Hay’adaha Qarama Midoobay.
    1. Kulamada Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka caawiya Horumarka.

Halkan ka eeg xogta kulamadaasi:

https://slministryofplanning.org/images/Coordination/Warsidaha_Horumarka.pdf
  • Waxa aannu soo saarnay Warbixinta Deeqaha dalka soo galay, cadadkooda, gobolada ay galeen iyo Wadaagayaasha ay galeen (Aid Flow Report) – lingaxan ka eeg; https://slministryofplanning.org/images/Reports/AID_FLOW_REPORT_Final.pdf
  • Waxa aannu samaynay Siyaasadahan oo qaarkood yihiin Qabyo-Qoraal u baahan ansixin, qaarkoodna la ansixiyay:
    • Qabyo-Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Qiimeynta & Daba Galka Mashaariicda (Draft National Monitoring & Evaluation Policy)
    • Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isku-duba Ridka Deeqaha & Hawlaha Horumarka (Draft National Coordination Policy)
  • Waxa aannu bilawnay oo hadda la qaatay la taliyayaashii samayn lahaa Siyaasadda Qorsheynta Qaranka (National Planning Policy) iyo Xeerka Qorsheynta Qaranka (National Planning Act) oo si dhakhso ah loo bilaabi doonno qoritaankiisa oo uu innagu caawinayo Baanka Adduunku.
  • Waxa aannu daah furnay Dhisida Xarunta Xogta Biyaha iyo Dhulka oo laga dhisi doonno xarunta Wasaaradda Qorsheynta & H. Qaranka (Information Management Centre).
  • Waxa la dhamaystiray Qorshihii Koowaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF I). Waxa siddoo kale La bilaabay hirgelinta & qorsheynta Qorshaha Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF II) oo ka hirgeli doonna dhamaan Gobolada Dalka.
  • Waxa aannu bilawnay samaynta system Online ah (Somaliland Aid Management System) oo lagu ururiyo xoggaha mashaariicda dalka ka socda, warbixinahooda, goobaha ay ka hir galayaan, wadaagayaasha ay horumarka ku wadaan & cadadka lacag ee mashaariicdaasi ay maal galinta ku wadaan si bulshadu ula socoto dadaalada horumarineed ee beesha caalamku inala waddo isla markaana loo fududeeyo isku duba ridka gar-gaarka. System kaasi hadda wuxu ku dhaw yahay gabo-gabo – ka eeg https://somalilandaidflows.org/
  • Waxa soo baxday warbixinta xog ururinta xaalada dhimasahada ee Hooyada & Dhalaanka oo hadda qabyo qoraalkeedu diyaar yahay THEMATIC REPORT ON MATERNAL MORTALITY.
  • Waxa socda Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Somaliland (Somaliland Health & Demographic Survey – SHDS).
  • Waxa soo baxay buug yaraha Xogta Haweenka & Ragga ee 2018 (Men and Women Booklet) oo hadda gacanta lagu hayo buuggii 2019 ka http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/11/Gender-Booklet-05.pdf
  • Waxa aannu soo saarnay Buugga Xogta Qaranka Sannadaha 2016, 2017 – waxa hadda socda xog ururinta sannadka 2018.
  • Waxa soo baxday Xogta Dhaqaalaha Dalka ee Shantii sanno ee u dambeeyey (Gross Domestic Product) – http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/10/GDP-report-2012_2017.pdf
  • Waxa aannu diyaarinay Qorshaha Horumarinta Nidaamka Xogta ee Qaranka (National Strategy for Development of Statistics (NSDS2 2018 – 2021)
  • Waxa si joogto ah Bil kasta u soo baxa Xogta Halbeega Sicirka Ascaarta http://www.somalilandcsd.org
  • Waxa aannu qiimeyn ku samaynay Waaxaha Qorshaynta & Xogta ee dhamaan hay’adaha kala duwan ee dalka ee fulinaya QHQ2aad si kor loogu qaado aqoontooda, waxa soo baxay warbixintii ( Planning & Statistics Units Assessment).
  • Waxaa dib u habeyn & fududeyn lagu sameeyey nidaamka hadda ay WQ&HQ ku u diiwaan geliso hay’adaha caalamiga ah & kuwa maxaliga ahba si u adeegida hay’aduhu u fududaato.
  • Waxa aannu si adag u dabaqnay Xeerka Qaranka ee lagu maamulo hay’adaha Caalamiga ah ee NGO Act, nidaamka fulineed ee mashaariicda & yaraynta kharashaadka ku baxa fulinta mashaariicda horumarineed ee ay hay’aduhu wadaan.
  • Waxa aan dib u habeyn ku samaynay nidaam xisaabeedka & Maamulka Wasaaradda si ay xisaabaadku u noqdaan kuwo daah furan annagoo wax ka bedelnay hab iibka WQ&HQ.
  • Waxa aannu shaqaalaha WQ&HQ uga soo iibinay Miisaaniyadda Wasaaradda SADDEX BUS oo shaqaalaha u shaqeeya (THREE MINI-BUSES).
  • Waxa Luqadaha Soomaali iyo Carabi loo turjumay QHQ ee 2aad si fahanka guddaha loo xoojiyo, isla markaana loo xoojiyo raadinta maaliyada lagu hirgelinayo QHQ2aad iyadoo laga doonayo dalalka Luqada Carabiga ku hadla iyadoo laga faaiidaysano hay’adaha Islaamiga ah ee dalka ka hawl-gala.
  • Waxa aannu dar-dar gelinay Hab xidhiidhka Wasaaradda Qorsheynta & Xidhiidhka ay la leedahay bulshada maadama oo ay waajib tahay in ay bulshadu hesho Xogta ku saabsan hawlaha ka socda WQ&HQ
  • (Public Information).

Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman

COMMENTS
Latest News