Hangoolnews.com
Odoyaashii Iyo Waxgaradkii Casuumadaha Badan Loo Sameeyay Ee Beesha Warsan-gali Oo Hargaysa Diiday In Ay Ka Baxaan Iyo Sababta
June 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Odoyaashii tirada badnaa ee iskugu jiray Salaadiinta iyo wax-garadka Beesha Warsan-gali ayaan ka bixin magaalada Hargaysa ka dib markii ay waayeen qarash ay sheegtay xukumadda Somaliland in ay ku horumarinayso bariga Sanaag kaas oo dhamaa 500,000 oo doolarka Maraykan ka ah.

Dhinaca kale Odoyaashan ayaa Xukumaddu u sheegtay in ay tagaan deegaankii ay ka yimaadeen oo imika Putland la wareegtay gacan ku hayntiisa, waxaanay sheegeen in haddii halkaasi ay tagaan wakhtigan ay nabad-galyadoodu halis ku jirto.

Odoyaashan oo dhawaan yimid magaalada Hargaysa ayaa sheegay in aanay garanayn meel ay tagaan oo siyaasadii deegaankoodu faraha ka baxday.

Odoyaasha ayaan wali loo dhiibin lacag horumarinta deegaanka ah oo xukumadda Madaxwayne Muuse Cabdi balan qaaday,

Dhinaca kale waxaa khilaaf xoogani ka dhex alloosan yahay Suldaanka guud ee Beelalaha Warsan-gali iyo Salaadiintan kaas oo sababay in ay kala mawqif noqdaan.

Lama sheegin goorta ay dib u noqonayaan Odoyaashani oo arrimo nabad-galyo ugu baaqday deegaankoodii.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News