Hangoolnews.com
Idaacad Cusub Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Somaliland, Shacab Dhibsaday Iyo War-La,aanta Wasaaradda Warfaafinta
June 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Todobaadadii ugu dambeeyay waxaa si xooggan loo maqlayay idaacad kale oo laga hirgaliyay guddaha Somaliland taas oo baahinaysa warar lid ku ah qaranimada waddanka.

Idaacadan ayaa ah Fm waxaanay taalaa magaalada Badhan iyadoo si toos ah ugu xidhiidhsan Radio Garoowe.

Idaacaddan oo Hangoolnews ay u xaqiijiyeen jiritaankeeda dadka dagan deegaankaasi ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in ay baahiso warar lagu kala fogaynayo dadka halkaasi daga iyo xukumadda Somaliland.

Wali ma jirto cid ka hadashay idaacadan oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland.

Labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa magaaladaasi Badhan ka talinayay Maamulka Garoowe.

Dhinaca kale dadwaynaha ka taga dhanka Somaliland ayaa sheegay in ay cabsi wayni la soo daristay oo mararka qaar xataa gaadiidka ay wataan ka sii furaan Taarikada Somaliland.

Geesta kale shacabkan ayaa qayb ka mid ahi sheegeen inay tabayaan dhagaysiga idaacadii waynayd ee qaranka Somaliland oo muddo dheer hawada ka maqan.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News