Hangoolnews.com
Akhri:- Dhimashad Iyo Dhaawaca Uu Gaystay Roob Ka Da, Ay Saaka Galbeedka Hargaysa Iyo Khasaaraha Inta Uu Leeg Yahay
June 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Allaha u naxariistee waxaa ku geeriyootay marxuumad la odhan jiray Hinda Cabdisiyaad ka dib markii uu ku dhacay danab uu sababay roob ka da,ay deegaanka Degmadda Farawayne ee duleedka koonfur-galbeed ee Magaalada Hargaysa.

Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi dhaawac ka soo gaadhay Nimco Cabdi Axmed oo ay Ehel ahaayeen Marxuumadda.

Danabkan ayaa haleelay labadan dumara iyagoo xoolo la jooga sidda ay Hangoolnews u sheegeen dadka deegaaankaasi oo aanu la xidhiidhnay.

Ma jirto wax war ah oo ay xukumadda Somaliland ka soo saartay dhimashada iyo dhaawaca labadan dumara,

Gabadha dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Cisbitaalka magaalada Hargaysa.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News