Hangoolnews.com
Ardaydii Imtaxaanka U Fadhiistay Ee Fasalada Afaraad Iyo Siddeedaad Ee Bariga Gobolka Maroodi-Jeex Oo Mahad-Naq Balaadhan U Diray Gudoomiyahoodii Waxbarashadda
June 25, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Ardaydii fasalada Afaraad iyo Siddeedaad ee dhawaan u fadhiistay Imtaxaankii shahaadiga ahaa ayaa mahadnaq balaadhan u diray Guddoomiyaha Waxbarashadda Bariga Gobolka Maroodi-jeex Mudane Xuseen Cabdi Cawil “Food-Cadde”

Ardaydan ayaa qaybo ka mid oo Hangoolnews la xidhiidhay ay sheegeen in muddadii uu Guddoomiyaha waxbarashadda ahaa Mudane Xuseen Cabdi Cawil “Food-Cadde” ay kala kulmeen diiri-galin wanaagsan iyo in uu ku illaaliyo waxbarashadooda iyagoo sheegay ardaydani in uu si gaara ugu dul-joogteen jiray macalimiinta doorka waxbarasho ee ay u gudbinayaan ardayda.

Guud ahaa ardayday fasalada afaraad ka gudbay ayaa sheegay in aanay illaabi doonin dadaaalkii joogtada ahaa ee ay la barbar-taagnaayeen Mudane Xuseen Cabdi Cawil “Food-Cadde” Guddoomiyaha waxbarashadda Bariga Gobolka Maroodi-jeed iyo Macalimiintii kala duwanayd ee gacanta ku haysay.

Dhanka kale ardayda Fasalada Siddeedaa ee la filayo in ay u gudbaan fasalada koowaad ee dugsiga sarre ayaa iyaguna dhankooda iftiibiyay in ay filayaan in ay heli-doonaan door waxbarsho oo ka sii wanaagsan kan ay saaxiibadood tilmaameen.

Waxaanay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ka dalbadeen in ay sii laba-laabto dardar-galinta howlaha waxbarasho ee xafiiska waxbarashadda bariga gobolka Maroodi-jeex.

Gaba gabadii ardayda ayaa sheegtay in Guddoomiye Mudane Xuseen Cabdi Cawil “Food-Cadde” iyo macalimiintoodiiba ay xusi doonto taariikhdu.

Sawirka Xuseen Cabdi Cawil Foodcadde.
Sawirka Xuseen Cabdi Cawil Foodcadde.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News