Hangoolnews.com
Qadhmuun Weeyaan Qabyaaladi
June 24, 2019 - Written by Hangool News 1

Ugu horayn, waxaad moodaa in sanadahan u dambeyey ay aad u soo tarayso xumaanta iyo foolxumadii adeegsiga qabyaaladu,oo meesha ka saaraysa qarannimada kana dhex abuuraysa bulshada xanuuno iyo nacaybshiyo aad u fog oo keeni karaysa kala fogaansho iyadoo xumaan iyo xiqdi ku abuuraysa bulshadii qaranimada ku heshiisay.

Qabyaaladu waa xanuun guud ahaan soomalida saamayn wayn ku yeeshay, hoosna uga soo riday meeqaanki ay lahaayen ilaa hadana dawadiisi aan la helin oo ay muhiim tahay in la goobo sidii ama xeeladii lagaga bogsan lahaa xanuunkan liddiga ku ah horumarka iyo wax wada qabsiga ummada.

Somaliland ahaan dawladnimada iyo qaranka waxaan u yagleelanay si aan ugaga guurno qadhmuunka iyo xumaanta ay qabyaaladu leedahay, si aan u asaasano qaran aan ku dhisnayn qolo iyo qabiil toona, laakiin waxa hada muuqata in qabyaaladi dib u soo if baxdey oo xitaa ay ka awood badatey qaranimada iyadoo aad maqlayso odeyaal cuqaal sheeganaya oo ahaa kuwi qarannimada iyagu ilaalin lahaa oo leh qabiilkayaga hadaan sidaa loo samayn somaliland anagu kama mid nihin, kaliya shuruud daciifa ayuu ku xidhey ka mid ahaanshiyaha qaranka.

Doorashooyinka waxa loogu talo galay in ay hore socod iyo hiigsi fiican ku lahaadan dawlad wanaaga, se waxa cad in doorashoyinki ay kaw ka noqdeen arimaha hurinaya qabyaalada. Iyadoo aynu tusaale cad u soo qaadanayno doorashadii ugu dambaysay ee madaxtinimada ee ay soo shaac baxeen reero qabiilnimada ku bahoobayey sida “JEEGAANTA”. May dhicin doorashoyinkii  hore in qabyaaladu heerka intaas leeg gaadho oo la samaysto magacyo qabyaaladaysan oo doorashada lagu gallo si loogu guulaysto.

Ugu dambayn waxa muhiima in lagu dadaalo sidii qabyaalada meesha iyo heerka ay joogto hoos looga dhigi lahaa amase loo baabi’in lahaa hadii ay suurto gal tahay.
Halkan hoose waxan idinkula wadagaya tix kooban oo ka hadlaysa qaybyaalada.
       QABYAALADI WAA QUDHUN
Dadyow Qaran wayneQabyaaladu maahaQabiil iyo reeroQoom iyo umad maahaQaran dhana maahaQuraaniyo maaha

Qaanuun laga reebayQuruun hore maahaQoraal nebi maahaXadiis qoran maahaQiraaliyo maahaGar geed lagu qaadeyQabyaaladu maahaQawl iyo hadal fiicanQiraal saxa maahaQarana u dan maaha.
Dadyow qaran wayneQabyaaladu waa ufQadhmuun iyo weeyeQadhaadh aan la muudsanQawl aan sax ahayniyoQaran dumis weeyeQabiil wax ka sheegidQabiilna ku faanidQuruun isku caynaQaadirku u abuurayQabiil ugu doorayKeliya is qirtaanAyeyba u qaateenQoqobiyo kala soocidQabiilkayagaa sanQuruun saxa weeyeQofkii aan ahaynaQoom hoogayba weeye
Dadyow qaran wayneQabiil lagu faanoQabyaaladu weeyeQuruun isirkeedaQab iyo isla wayniQumaati u caydoQolo iyo haybtoodaQalooc ku tilmamtoQabyaaladu weeye
W/Q: Ahmed Harir AdamGmail: heebaan6926@gmail.com Hargaysa,  Somaliland

COMMENTS
Latest News