Hangoolnews.com
Madaxwayne Muuse Biixi Oo La Filayo In Uu Dib U Magacaabo Wasaarad Hore U Jirtay Iyo Wasiirka Uu U Dhiibayo
June 7, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu dib Wareegto ugu magacaabo wasaaradda Kaluumaysiga iyo dakaddaha Somaliland waxaana la filayaa in uu wasaaradda u magacaabo wasiir deegaan ahaan ka soo jeeda bariga Ceergaaabo,

Warar Hangoolnews ka helayo illo arrintan ku dhaw ayaa sheegaya in ku dhawaaqisteeda Madaxwaynaha laga rajaynayo waxii ka bilaabma Sabtida barito ah,

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa  hore ugu balan-qaaday in uu magacaabi doono wasiir kale oo ka soo jeeda bariga Sanaag,

Waxaanu kala jarayaa wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga iyo khayraadka Baddaha,

Wasaaraddan ayaa hore u jirtay waxaana la baabiiyay markii la doortay Madaxwayne Biixi.

Hangooolnews.com

COMMENTS
Latest News