Hangoolnews.com
Kooxda Kubadda Cagta Original Electric Oo Kooxda Dr Xergeeye Kaga Badisay Laba Iyo Saddex
June 1, 2019 - Written by Hangool News 1

Ciyaartooyga kooxda kubadda cagta ee Original Electric ayaa u soo gudubtay wareega afaraad ee Tartanka Koobka Ramadaanta ee ka socda garoonka Turkiga ee magaalada Hargaysa,

Kooxdan kubadda cagta ayaa Ciyaartoodii ugu dambaysay la yeelatay Koox ku ciyaaraysay Magaca Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye waxaanay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag inkasta oo weerarka iyo Difaacyahanada Kooxda Original Electric ee Magaalada Hargaya ay muujiyeen Ciyaar aad u fiican oo Asluubi ku dheehan tahay,

Kooxda Original Electric ayaa ku badisay Saddex Gool halka kooxda Dr. Xergeeye ay keensadeen laba gool.

Kooxda Original Electric ayaa ah koox ku Ciyaaraysa Magaca Xarunta iibka iyo tafaariiqda ee Original Electric oo ku taala ka soo horjeedka Masjidka Ibraahim Dheere oo dadaal muuqda ka qaata Dhiirigalinta dayarta Xaafadda Almis ee 26 nee magaalada Hargaysa.

Tababare Kooxda Original Electric Mudane Maxamed Cumar Cige ayaa Hangoolnews u sheegay in ay rajaynayaa insha-allaah in ay hantaan oo ay ku guulaystaan Koobka Ramadaanta ee ka socda garoonka Turkiga,

Tababare Maxamed Cumar Cige ayaa siddoo kale mahad-naq balaadhan u jeediyay Masuuliyiinta Shirkadda Original Electric iyo Shaqaalahooda oo uu xusay in ay yihiin shirkad garanaysa qiimaha Kubadda Cagtu u leedahay dhalinyaradda waddanka,

Dhinaca kale Tabaraha Original Electric ayaa aad ugu mahad-naq ciyaartooyada kooxdiisa oo uu sheegay in ay mudan yihiin dhiiri-galin badan si ay u noqdaan Xidigo Xiligooda ifaya.

 

COMMENTS
Latest News