Hangoolnews.com
Deg Deg:- Saraakiil Sarre Oo Ka Tirsan Xukumadda Somaliland Oo Fakad Iskugu Dhiibay Maamulka Putland
May 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Sarkaal sarre oo ka tirsan xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa isku dhiibay Maamul-goboleedka Putland.

Cali Xuseen Maxamed “Cali Soomaali” oo ahaa Badhasaabkii Badhan sheegayna in uu xilkaasi iska casilay maanta ayaa isku dhiibay Maamulka Putland,

Todobaadkii ugu dambeeyay ayaa xaalada gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan ay xiisadiisu aad u kacsanayd, iyadoo halkaasi aya ku weerareen Ciidamo ka kala socda Somaliland iyo Putland,

Badhasaabka ka  fakaday dhanka Somaliland Cali Xuseen Maxamed “Cali Soomaali” ayaa sheegay in uu diiday in uu bixiyo amar waxyeelaynaya  deegaankiisa waa sidda uu sheegaye.

Geesta kale waxaa jira Saraakiil Ciidanka Milatariga Somaliland ka tirsan oo Kornaylo ah kuwaas oo iyana isku dhiibay maanta Putland, waxaanay sheegeen in lagu amray inay weeraraan Badhan iyaguna ay diideen,

Dhanka Somaliland ma jirto cid wali ka hadashay arrinkan iyo masuulka ka tirsanaa ee maanta isku dhiibay Putland.

Hangoolnews.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News