Hangoolnews.com
Akhr:- Dad Macaluul Darteed Looga Daad Gureeyay Jidhka Isku Xidha Caynaba Iyo Laasacaanood Iyo Qaar Kale Oo Beegsanaya
May 29, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii siyaadaya bishan gudaheeda dadka gaajada iyo haraad-darteed ugu daadanaya waddooyinka xidhiidhiya Caynaba iyo Laasacaanood,

Maalintii shalayto ayay ahayd markii tiro lix qof ah ay  haraad iyo gaajo adagi haleeleen kuna dhex dheceen waddadaasi laga guray iyadoo la dhigay Cisbitaalka Gargaar ee Laasacaanood.

Dadkan ayaa ah Itoobiyaan tahriib ah kuwaas oo u socdaalaya illaa magaalada Boosaaso halkaas oo ay doon ka raacaan,

Ka hor bishan barakaysan ee ramadaan ayaa dadkani tahriibayaashi ahi markay naftooda u yaabaan waxay samayn jireen in ay wax waydiistaan meheradaha furan ama reeraha miyiga ah ee ay duleedkooda marayaan,

Dadkan itoobiyaanka ah ayaa sanadahii dambe ku soo banaya soo galitaanka Somaliland halka qaar ka mid ahina ay si toosa u dhaafaan.

Ma jirto cid ka hashay arrinkan maalin walba ka taagan waddooyinka xidhiidhiya Bariga dalka.

Xukumadda Somaliland ayaa ka hadal arrinkani, mana jirto cid gaara soo si bin-aadamtinimo ah ugu hadshay,

 

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News