Hangoolnews.com
Kooxda Kubadda Cagta Ee Hangoolnews Oo Xalayto U Awood Sheegtay Kooxda Saab Tv
May 27, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnwes:- Kooxda kubadda Cagta ee Hangoolnews iyo Kooxda Saab Tv oo ka mid ahaa kooxahii Saxaafadda ee ku tartamayay koob lagu xusayay saxafiyiintii geeriyooday ee Somaliland ayaa xalayto Ciyaar aad loo daawanayay ay ku dhex martay labada kooxood ee Hangoolnews iyo Saab Tv.

Ciyaartan oo ahayn wareegii labaad oo kooxda laga badiyaa hadhaysay ayaa labada kooxoodba waxay soo bandhigeen weerar iyo weerar celis balse markii ay socotay todoba daqiiqo ayaa Ciyaartogayga Mucjisada kubadda Cagta Hangoolnews ay ku hubsadeen shabaga Saab Tv goolkoodii koowaad oo uu dhaliyay Xuseen Aadan Heetiye “Coon”

Tabaraha kooxda Hangoolnews Muuse Maxamed Daahir ayaa markiiba dareen togan iyo tilmaan toolmoon iskugu daray Kooxda Hangoolnews waxaanu u i shaaray in guusha ay sii wataan,

Markale ayaa kooxda Hangoolnews goolkeedii labaad ku hubsatay Shabaga Saab Tv waxaana dhaliyay Ayaale Ismaaciil Axmed oo Hangoolnews ugu Ciyaarayay lambarka sagaalaad waxaanu haafkii hore ku dhamaaday Kooxda Hangoolnews oo leh laba gool iyo Saab Tv oo aan waxba lahayn.

Markii la bilaabay qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa Saab tv keentay gool koodii koowaad, waxaana markiiba kor u sii kacay ciyaar wanaaga labada  kooxood taas oo midna doonayay in uu guusha haysto mid na guul-darro ka carar ahaa,

Mar kale ayaa goolkii labaad ay heleen kooxda Saab Tv.

Waxaana siddaa si ku dhamaatay ciyaartii.

Iyadoo loo gudbay gool ku laadka tooska ah

Goolhayaha Barakaysan ee Hangoolnews Amiin Carab-loo oo doorka ugu badan ka qaata guulaha Hangoolnews ayaa qabtay mid ka mid ah gool ku laadkii Saab Tv halka goolkii Xujada Farxadda Hangoolnews u xaqiijiyay Xuseen Aadan Heetiye “Coon”

Siddaasina waxay guushu ku raacday Hangoolnews oo u gudubtay wareega lixda,

Koobkan ayaa waxaa uu ka socdaa taraawiixda ka dib  garoonka Cali Gadhle ee Badhtaha Hargaysa,

Gabagabadii Masuuliyiinta Hangoolnews oo dhankooda la socday guusha kooxda ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray kooxda Hangoolnews iyagoo ku diiri-galiyay in ay haystaan awoodda hanashada koobka insha-allaah.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News