Hangoolnews.com
Daawo/Akhri:- Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Dhagar-Qabe Ku sheegay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani
May 16, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Mudane Cabdilaahi Aborok Cismaan ayaa waraysi gaara oo uu la Yeeshay Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa,uud  oo ka tirsan Horyaal Tv ku sheegay in Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudan Xirsi Xaaji Cali Xasan yahay Dhagar qabe.

Wasiirka ayaa mar uu ka ka jawaabayay su,aal ahayn in uu kursiga ku aar-goosanayo ku jawaabay “ wallaahi-niyow dhagar-qabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa” wasiirka ayaa yidhi “waxaa kale oo aan kuu cadaynayaa in aanayn ahayn nin aarsada, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku yidhi “Haddaan aarso in leeyahay waan aarsan lahaa”

Waxaa kale oo wasiirku sheegay in dharag-qabahu dhulku u dhaqdhaqaaqo taas oo uu u jeeday Hogaamiyaha Waddani,

Wasiirkan ayaa waraysigan uu siiyay Horyaal Tv ka hor isla bishan ramadaan horaanteedii mar uu u jawaabayay siyaasiyiin waddani ah sheegay in Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan Caruurtiisii ku aamini waayay magaalada Hargaysa.

Halkan ka Daawo:-

COMMENTS
Latest News