Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayne Maxaa Kaaga Meel Yaala Dulmiga uu Marag-Furay Wasiirkaaga Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahim Axmed?
May 16, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu xilka madaxwayne-nimo uu la wareegayay lagu dhaariyay waxaana si gaara loogu dhaariyay in uu Sinaan iyo Caddaalad ku maamuli doono Ummadda Muddada uu xilka hayo.

Maalintii shalayto ahayd ayuun ahayd markii wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida uu sheegay in aan loo sinayn Cashuur bixin oo kaliyaata laga qaado cashuurta hooyada danyarta ah,

Waxaa kale oo uu sheegay wasiir Maxamed Kaahin Axmed in aan cashuurta laga qaadin ganacsatada waawayn ee dalka, waxaana isagoo arrintaasi sii adkayna uu yidhi:-  “ waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in aanay tijaartu cashuurta bixin ee ay dan-yartu bixiso”  siddaasi waxaa yidhi maxamed kaahin, waxaa kale oo wasiirkani sheegay in cashuurta laga qaado Hooyada suuqa fadhida oo lagu bixiyo Musharka Ciidanka iyo Shaqaalah isagoo yidhi “ilaa Askarigeena illaa umulisadeena waxaa bixiya dan-yarta Hooyada Wadhatada Fadhida”

Talaaban uu ku dhawaaqay wasiirku ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee wasiir ka tirsan xukumadda Muuse Biixi uu sheego in aan cashuur laga qaadin Tijaarta Dalka.

Lama ogo sababta looga qaadi waayay, haddii ay diidaana sharciga loo waafajin waayay,

Wasiir ayaa dhinaca kale ka dalbaday Culimada Somaliland in ay ka hadlaan wax uu ugu yeedhay iibka xaaraanta ah,

Sidda wasiirku sheegay waxaa dulmi ah in Hooyada Tamaandha iibisana laga qaado cashuur kii taajirka ahaana aan loo dhawaan

Madaxwaynaha Somaliland ayaan la ogayn in uu la qabo wasiirkiisa arrimaha gudaha ee sheegay in cid gaara laga qaado cashuurta dalka.

Halkan ka Daawo:-

 

COMMENTS
Latest News