Hangoolnews.com
Akhri:- Qodobkii Ugu Adkaa Ee Xalayto Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Seegay Iyo Khatartiisii Oo Wali Taagan
May 14, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenkii xalayto ahaa amar ku bixiyay in la baneeyo goobo biyo mareen ah oo dhisme laga dul sameeyay kuwaas oo keenay in biyahii marayay ay waayaan meel ay maraan ka dibna ay jabaan.

Inta la og-yahay waxaa roob xalayto da,ay ku naf waayay lix qof kuwaas oo qaarna daad qaatay qaarna dab laydh qabsaday.

Bulshadda ku nool Caasimada ayaa cabasho xooggan iyo dhiba kala kulanta xadhkaha laydhka kaas oo gaadhsiisan in uu sahaydo naflay badan.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa go,aanka kale ee xalayto seegay uu ahaa ina uu amar adag ku bixiyo in laga guuro xadhka laydhka, iyo talefoonada Biraha ku xidhan ee goob kasta ka soo laalada.

Talaabadan ayaa xalayto haddii ay ka mid noqon lahayd go,aanada madaxwaynaha waxay badbaado u noqon lahayd dad badan oo ku naf-waayi jiray khatarta xadhkaha daadsanka ah ee magaalada Hargaysa

Lama ogo in amar dambe ka soo saari doonto xukumaddu dhibtan laydhka.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News