Hangoolnews.com
Akhri:- Cabdiraxmaan Cirro Ma Ka Badbaadi Doonaa Barta-Madow Ee Siyaasadeed Xukumadda Muuse Biixi Mise Wuu U Xalaalayn Doonaa?
May 13, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo dheer bar- madow oo siyaasadeed dhusha ka saaraysay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”.

Madaxwaynaha Somaliland iyo qaar ka tirsan golahadii wasiirada ayaa ku eedeeyay guddoomiye Cirro in aanu ka qayb galin maalinta gooni-isku taaga Somaliland, halka marar kalena ay ku eedeeyeen in Xisbigiisu yahay mid soomaali-wayn u addeegaya,

Eedahan is-daba joogga ah ayaa waxaa u dambeeyay tii wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mirre Maxamed ayaa  ku tidhaabay in aanu Cirro ka qayb gali doonin maalin qaran ee loo dabaal-daggo gooni-isku taaga qaran-nimada Somaliland,

Guddoomiye Cirro ayaa aragtiyo kala duwan laga bixinayay hadal fariin uu ka jeediyay geeridii Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf “Cabdi Waraabe” oo uu sheegay in uu jeclaa in uu ka qayb galo aaskiisa bale aanay u suurto galin, waxaana bulshada qaar arragtidooda kaga dhiibanayeen in aan hore-ba Cirro ugu qayb galin Xuska maalinta 18May, iyo geeriyaha dadka magaca leh, halka qaarkalena ay lahaayeen maya Guddoomiyahu wuu ka soo qayb galiyaa maalinta gooni-isku taaga waddanka oo waxaa uu beeninayaa  barta-madow ee siyaasadeed Xukumadda Muuse Biixi.

Wali lama saadaalin karayo in Guddomiye Cirro iman doono maalintan iyo in uu ka baaqan doono, waxaana la eegayaa sidda ay siyaasiyiintani u kala guulaystaan.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News