Hangoolnews.com
Akhri:- Masuuliyiinta Awoodda Badan Leh ee aan la  Shaacin kuwaas Madaxwayne Muuse Biixi U Raacday Imaaraatka Iyo Xilalka Ay Hayaan
April 20, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Waftiga Madaxwaynaha Somaliland ee ku sugan waddanka isku taga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa ka mid ah marka laga yimaado Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka cusub ee qorshaynta, masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Milatariga, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska iyo Saraakiil kale.

Inkasta oo aan la shaacin la socodka saraakiishan haddana waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in ay u raaceen arrimo ciidan isla mar ahaantaasna waxaa safarka Madaxwaynaha looga reebay Warbaahintii gaarka u ahayd Madaxtooyada si loo dhowro in wax la baahiyo.

Dhinaca kale waddanka Imaaraatka ayaa la filayaa in uu siiyo Somaliland Saanad Milatari.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka iyo Xukumadda lafeeda oo ku saabsan waftiga Madaxwayne Biixi,

Arrimaha kale ee loogu hadal-haynta badan yahay ayaa ah, iswaydiinta qaabka loo soo dhaweeyay madaxwaynaha oo aan la shaacin, geesta kale lama hayo cid uu la kulmay iyo wax ugu fulay qorshahiisii uu u tagay imaaraatka.

Waxaanay noqonaysaa markii ugu horaysay ee saraakiil tiradaasi leegi raacdo Madaxwayne dalka dibadda ugu baxay marka laysku wadda geeyo Madaxwayne yaashii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News